Daawo-Dhageyso: Dooda Barlamaanka Puntland ee DFS oo maanta sii socotay & Barlamanaka oo sheegay inaysan jirin sabab lagu aamini karo DFS

2

10 july 2015 (Puntlandes) Baarlaaanka Puntland ayaa maalintii labaad ku guda jira dood agad oo uu ka leeyahay DFS oo ku tumatay Dastuurkii ummadda Soomaaöliyeed ku heshiisay iyagoo si adag uga dooday:

  1. Sharciyada DFS maadama ay bedeshay wixii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay
  2. Caasimadnimada Muqdisho oo aan caasimad u ahayn ummadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo 1991 kii
  3. DFS oo isku kaliyeeshay talada dalka taasoo aan ahayn wixii lagu heshiiyey
  4. DFS oo meesha ka saartay heshiisyadii lagu kala saxiixday Garowe iyo Gaalkacyo
  5. DFS oo ku tumatay Xuquuqdii ay Puntland iyo shacabkeeda xaqa u laahayeen sida dhaqaalaha iyo deeqaha waxbarashada.
  6. DFS oo ku hawlan abuurid Colaad iyadoo Cadaado ku dhoodhoobtay maamul aan Dastuurka waafaqsanayn xadgudubna ku ah Puntland.
  7. iyo kuwa kale oo badan

Xildhibaanada baarlamanka Puntland ayaa sheegay inaysan jirin sabab lagu aamini karo xukuumada Xamar oo caadaysatay ka shaqaynta inaysan Soomaaliya dib u midoobin.

Baarlamanka Puntland ayaa si cad u sheegay inaysan magaalada Muqdisho ahayn Caasimad Soomaaliyeed oo la wada leeyahay, waxayna ku tilmaameen meel cid gaar ah leedahay oo lagu haysto hantidii ummadda Soomaaliyeed.

Baarlamanka Puntland ayaa ugu dambayntii waxay sheegeen inay tahay in Puntland ka tashato Xamar uuna Dastuurkeedu siinayo inay tahay dawlad madax banaan inta Soomaaliya oo nabad ah Federaal ahna la arkayo, ayna tahay inay Puntland taas ku dhaqano, goonina isaga taagto Soomaaliya inteeda kale.

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Baarlamaanka oo soo xiray fadhiga ayaa cadeeyey in maalinka berri ah uu Baarlamanka Puntland go’aan cad ka gaaridoono ayna u qori doonaan Xukuumadda Qoraal ku saabsan go’aankaas.

Gudoomiyaha ayaa yiri ”Go’aanka aanu ka gaarno wuxuu la mid noqonayaa Xeerarka ay Puntland ku shaqayso waana lagu dhaqmayaa”

Wuxuu kaloo Gudoomiyahu sheegay inay Berri fikradahooda ka dhiibanayaa qaar ka mida Isimada Puntland iyo Waxgarad kale oo reer Puntland ah.

Hadalka gudoomiyaha ka bilow daqiiqada 47 aad

Halkaan ka dhageyso codka barlamaanka

Puntlandes.com

About The Author