Daawo Video-sawiro: RW Sharmarke oo Taageero balaaran u muujiyey maamulka Cadaado e u Xasan Sheekh Colaada ku hurinayo

14 july Raysul Waraasaha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo shalay intuusan tegin Caasimada Puntland ee Garowe waxaa lagu QASBAY inuu soo maro Cadaaado Cod dheerna ku sheego inuu u hayo Taageero balaaran maamulka Cadaado ee uu Xasan Sheekh ku dhoodhoobay Cadaado si uu ku abuuro Colaad.

RW Sharmarke ayaa NOQDAY “la mood noqonse waa” isagoo noqday nin ay ku shaqaysato Kooxda Xasan Sheekh ee Caadaysatay ku dhaqanka Qabyaalda iyo Hurinta Colaad la mid ah tii ay sameeyeen sanadku markuu ahaa 1991 tii.

Kooxda Xasan Sheekh ayaa meesha waxay ka saartay Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku Heshiisay iyagoo ku dhaqma mid ay iyagu samaysteen, waxayna isku koobeen Dhaqaalaha ay Beesha Caalamku ku deeqdo ummadda Soomaaliyeed, waxay ku tunteen Rajadii laga lahaa soo noqoshada dawladnimada Soomaaliyeed.

Kooxda Xasan Sheekh oo adeegsanaysa magaca DFS ayaa waxay dagaal cad oo burburin ku salaysan waxay ku hayaan Puntland iyo Jubaland.

Taageerada RW Sharmarke ee maamulka aan Sharciga waafaqsanayn

Ummadda Soomaaliyeed ayey waxay ku noqotay ANFARIIR iyo ARGAGAX markay arkeen RW Sharmarke oo taageeray maamul aan waafaqsanayn Dastuurkii ummaddu ay ku Heshiisay, maamul loogu talo galay in lagu weeraro laguna Burburiyo Puntland oo uu isagau ka soo jeedo, maamul BEEN ah oo loo samaystay abuurin Colaad la mida tii 1991 dii.

Daawo booqashadii Cadaado ee RW Sharmarke

22b

22c
Puntlandes.com

About The Author