SIR CULUS:- Galmudug Oo Qorshaynaysa Weerar Gaadmo ah oo ay ku qaaddo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo..

14 july 2015 (Puntlandes) Waxaa soo shaac baxay Qorshe durba la maleegay oo Horjoogihii hore ee Galmudug Cabdi Qaybdiid uu gadaal ka riixayo, islamarkaasina uu ka dhaadhiciyey Madaxweynaha hadda Koonfurta Mudug iyo Galgaduud loo doortay ee C/kariin Xuseen Guuleed, qorshehaas oo ah in Maleeshiyaadka Galmudug iyo Tiknikada kala duwan ee lasoo dhoobay Duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo lagu wareero Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf International Airport ee Magaalada Gaalkacyo kaasi oo muddo 17 sano ah Puntland soo maamulaysay.

22d

Qorshahaan waxaa uu horay uga guuxayay maanka Cabdi qaybdiid oo tabar la’aa weerarka Garoonka Diyaaraha Gaalkacyo maadaama sanadkii 2014, xiisadda garoonku ay cirka isku shareertay islamarkaasina Cabdi Qaybdiid uu ku ceeboobay go’aanno is khilaafsan oo uu kasoo saaray cidda Maamulaysa iyo sida loo isticmaalo Garoonka Diyaaraha, taasi oo Puntland aysan dhag jalaq u siin waxaana go’aamadaas ka mid ahaa inuu Cabdi Qaybdiid sheegay inay soo ridi doonaan Diyaaraddii garoonka kasoo dagta, balse markii diyaaraduhu kala joogsan waayeen hadana saxaafadda ka sheegay inuu go’aankiisii la laabtay.

Cabdi Qaybdiid ayaa ku doodayey in Puntland ay ka cuno qabataysay meel Xagaaf ah ( La xaar xaaray) oo uu duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ka samaystay taasi oo uu ugu magac daray “Airport” balse Diyaaradaha Ganacsiga iyo kuwa Hay’aduhu ay diideen inay ka dagaan maadaama uusan masaafo dheer ka fogayn Garoonka Diyaaraha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo taasi oo aan sharci ahayn.

Garoonka-Gaalkacyo

Horjoogihii hore ee Xaafadda Baraxleey Cabdi Qaybdiid ayay Maskaxdiisa marna aysan ka bixin inuu saami ku yeesho Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo uu ku andacoonayey inuu Puntland iyo Galmudug ka dhexeeyo, saamigaas oo uu aaminsanaa inuu ku gaari karo dagaal halkaas ka dhaca oo qolo u harto hadhowna waan waanta lagu gorfeeyo in Garoonka loo siman yahay, balse qorshahaas dagaalka awood ciidan iyo dhaqaale midna uma haysan, balse hadda ayuu aaminsan in Colaadda Gobolka Mudug uu ka macaashi karo oo uu gacanta ku dhigi karo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, maadaama Maleeshiyaad u badan Beesha Sacad la iskugu geeyay Duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Doorashadii Cadaado ka dib ee Afartii (4 July) bishaan July Cabdi Qaybdiid ayaa aad hoosta uga galay oo u carrab laa laadiyey C/kariin Xuseen Guuleed oo markii hore aysan isku aragti ka ahayn arrimaha Maamulka Galmudug, waxaana uu C/kariin Xuseen Guuleed ka dhaadhiciyey Wixii maskaxdiisa ka guuxayey ee ahaa in Dagaal Gaalkacyo lagu qaado si gacanta loogu dhigo Garoonka Diyaaradaha Fikraddaas oo durba ka dhaadhacday C/kariin Xuseen Guuleed maadaama uu taageero dhaqaale iyo Hub-ba ka heli karo Dowladda Federaalka ah ee Muqdisho sidoo kalena uu gacanta ku hayo Maleeshiyaadkii Beelaha Sacad iyo Saleebaan oo markii hore u kala qaybsanaa Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb balse haatan xayndaab qura la iskugu geeyay.

Maleeshiyaadka Galmudug

 

Ilo Xog ogaal ah ayaa Warsidaha Puntlandone.com u xaqiijiyey in Colaad ka dhacda Gobolka Mudug Bisha August ee socota uu Maamulka Galmudug ku howllan yahay, iyadoo Colaaddaas ay qayb ka noqon doonto Dhul ballaarsiga iyo Hunguri dheerarka Maamulkaasi uu ka qabo inuu Gobolka Mudug Qaybo badan oo ka mid ah gacanta ku dhigo, isagoo kalsooni ka helaya Dowladda Federaalka ah gaar ahaan Villa Soomaaliya oo laga soo diray C/kariin Xuseen Guuleed, islamarkaasina laga taageerayey Barnaamijkiisii Musharnimo.

Ugu dambayntii Dowladda Puntland oo marar badan ka digtay in la huriyo Colaad ka dhacda Gobolka Mudug ayaan ku baruurugsanayn Qorshaha Cabdi Qaybdiid iyo C/kariin Xuseen Guuleed ee Weerar lagu qaado Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyo Maleeshiyaadka tirada badan ee Muddooyinkii ugu dambeeyay Maamulka Galmudug uu ku soo aruurinayey Duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, waxaase dad arrintaan aad ula socda ay Dowladda Puntland ugu baaqeen inay il gaar ah ku fiiriso xaaladda Gaalkacyo gaar ahaan Garoonka weerarkiisa la qorshaynayo.

Xigasho: Puntlandone.com

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author