Daawo Video: Jawaari oo la kulmay saraakiisha Booliska PL ee xamar tagay kulana dardaarmay inaysay saamayn ku yeelan siyaasada “Gobolka”

160

16 july 2015 (Puntlandes.com) Gudoomiya Baarlamaanka Xamar Jawaari oo caan ku ah nacaybka iyo la dagaalanka shacabka iyo dawladda Puntland ayaa la kulmay saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland oo madaxweyne GAAS u diray magaalada xamar ee xarunta Gobolka Banaadir, kuwaasoo ka badbaaday isku day dil ee hotel Siyaad. Saraakiishan ayaa ka mid ahaa Saraaakiil ay DFS ka soo ururisay “Gobolada Soomaaliya”.

Jawaari iyo DFS tiisa oo ka soo horjeeda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu yeeray saraakiishan “saraakiisa Ciidanka Booliiska Gobolada dalka” wuxuuna kulana dardaarmay inaysay saamayn ku yeelan siyaasada “Gobolka dalka” ayna ka shaqeeyaan wax loogu yeeray “midnimada Dalka” waxaan la aqoon waxay midnimo ula jeedaan maamulka Xamar.

Su’aashu waxay tahay ma dawladda Puntland oo ay u yaqaaniin qolyaha Xamar muumul Gobol ayaa u talisa Ciidanka Booliska Puntland mise maamulka Xamar? Muxuu GAAS kaga jawaabayaa tan?

Daawo Jawaari oo AWAAMIIR siinaya Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland

Puntlandes.com

 

About The Author