Dhageyso Xildhibaan Axmed Aabi: Dastuurki umadda ku heshiisay waa la bedelay

23d

16 juy 2015 (Puntlandes) Sidaan la wada soconno, waxaa meel xun oo xassaasi ah maraya, xiriirka Dowlada dhexe iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, oo uu hadda shir albaabada u xiran yihiin uga socdo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Waxyaabaha ay ka cabanayaan Jubbaland iyo Puntland waxaa ugu muhiimsan, fara-fareynta Dastuurka, Gudiyada la magacaabay, iyadoon lagala tashanin dowladaha xibnaha, iyo weliba mooshinkii ka dhanka ahaa baarlamaanka Jubbaland, ee sababay in xiriirka Jubbaalnd iyo Dowladda go’o.

Hadaba anaga oo ka duuleyna qodobadaas iyo qaar kale oo la mid ah, oo intooda badan lugaha la gelaya Golaha Baarlamaanka DFS, ayaan waxaan khadka telefoonka Muqdisho kula xiriirnay gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha bulshada Baarlamaanka DFS, mudane Axmed Aabi.

Aabi waxaan marka hore wax ka weydiinay, waxa ka jira eedeeymaha mudada dheer soo jiitamayay, ee la xiriira wax ka bedelka dastuurka, sidoo kale, Gudiyada halka dhinac ah, ama aan lagu war gelinin dowladaha xibnaha. Waxaa kaloon Aabi si guud wax uga weydiinay, hab-dhaqanka baarlamaanka federaalka, oo inta abdan lagu xanto in uu ka shqeeyo oo keliya, mooshin, laaluush, iyo iska horkeen bulsho.

Hadaba xildhibaan Aabi waxuu sheegay, in dastuurkii umadda ku heshiisay gebi ahaan la suuliyay, laguna bedelay dastuur cusub, oo aan la aqoonin cidda soo qortay.

“Xaqiiqa weeye in dastuurka wax laga bedelay, weliba in wax laga bedelay ma ahee, tootali waa laga guuray baa la oran karaa. Adiga iyo dadka kale, ee dhanaan media ku taxanba waxaan u cadeynayaa, in dastuurka aan maanta ku shqeynaa usan ahayn dastuurki saxiixayaasha road map-ka” ayuu yiri xildhibaan Aabi.

Waxuu sidoo kale, sheegay, in gudiyadii la magacowday aysan sharci ahayn, maadaama aan lagala tashanin dowladaha xibnaha, oo sharci ahaan loo baahnaa in lagala tashado:.
“Dowlad-goboleedada waxay xaq u leeyihiin in heshiisyada caalamiga ah lagala tashado, sidoo kale arimaha masiiriga ah, sida gudiyadanoo kale” ayuu yiri Aabi.

Dhanka kale, Xildhibaan Aabi waxuu si kulul u dhaliilay, guud ahaan hab-dhaqanka baarlamaanka federaalka, oo uu sheegay inuu fuliyo wixii farta loogu fiiqo oo keliya. “Waxay u caroodaan cidday dowladda u carooto, sida Jubbaland” ayuu yiri Xildhibaan Aabi.

Halkan ka dhageyso codka Xildhibaan Axmed, ahna gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo aad u dhaliilay, guud ahaan DFS, gaar ahaan baarlamaanka


Xigasho Dhanaanmedia
Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author