Hiigsiga 2016ka: colaado hor leh ! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

Ciid Mubaarak!….Waxaan filayay mar haddii saxixa Xasan SHiikh Max’ud Shirkada PBku xalaalaysatay inay iska baartaan badaha koonfureed ee Soomaaliya inaan ugu yaraan colaad iyo dagaal dhankooda ka timaada iyo fitnnadooda uga badbaadayno!….Waxaan filayay in mar haddii Burcad –Badeedda magaca dowladaha huwan ay badaheenna iska jariifanayaan in dhagaraha qaarkood aan kaga badbaadi karno!…Waxaan filayay in mar haddii diyaaradahooda Drone-ka ah iyo ciidamadooda ay laynta ilmaheenna ku taba baranayaan ay garan karaan xanuunka aan dareemayno!…. Laakiin!…. Laakiin Guumeyste waa guumeyste…waa gobanimo diid!…Waa karaama diid!…Waa wax san diid!…..Waa nolol diid!….Waa Qaran kale inuu jiro diid!….dhammaan tilmaamahaas u fiirso maxaa kaaga muuqda sida Soomaaliya siyaasadeeda loo maamulayo?!……

Wax kastaba ha ina yeelaanee waxaa kaaga daran waxa ay ina bareen, waxa ay ina bareen inaan annaga waxba ka wada hadlin ee iyaga aan marti ugu noqono inay wada hadal inoo qabtaan!….Waxa ay ina bareen inaan taladeena ku kalsooanaan tooda mooyee!…. Waxa ay ina bareen inaan iyaga ixtiraamno annagana aan is xaqirno!…Waxa ay ina bareen wax badan oo dadnimadeennii gaasiray!…..Waxaase Eebbe mahaddii ah inaan Soomaali nahay oo aan leennahay karti iyo dadnimo aan dadka dheernnahay ugana soo kabsan karno dibindaabyooyinka ina soo gaaray Eebbe idankii.

Waxaa xoogaa nasiib-daro ah in hogaanka Soomaalida raga jooga xilligan ay yihiin niman iska malabsanaya, una jajaban awaamirta waxa Beesha Caalamka loogu yeero, kuwa magacooda qariyay ee dulmiga ay innagu samayniyaan inoo sheegaya inuu caalamka oo dhan la qabo, laakiin annagu aan naqaan!….kuwa dhuumanaya laakiin uu dhabarku muuqdo!….kuwa habeenkii mugddiyada kula shira siyaasiyiinta, iftiimmada markay tahayna war-baahinta innooga sheekeeya!…. Beesha Caalamka immisa dal baan ka mid ahayn?!..Waxaan u malayniyaa Soomaaliya kuma jirto!…misa waxaan ku jirin dalalka Islaamka ah oo dhan, mise dalalka Afrikaanka ah….

Waxa Beesha Caalamka loogu yeero wax kasta way noogu taliyeen!….annaguna waan yeelnay hadana wali ma qanacsana!….Hiigsiga 2016ka ma Xasan SHiikh Max’ud (Xasan-Hero) baa gaarsiin kara dalka?!… Xasan SHiikh Max’ud, xaqiiqda isagaba waa ogyahay, wali kuma uusan fekerin maalin keliya inuu ummad madax-weyne u yahay ama ay u dhiibteen xil adeeg u baahan, taladiisana kama muuqan inuu adeeggaas qabto, siyaasadiisana wax iska bedelay ilaa maalintii la doortay ma jirto, wuxuuna ku habsaamay oo keliya hurinta colaadda iyo qorshe siyaasadeed oo uu xumaan ku falkinayo….

Xasan-Hero, magac aan anigu u bixiyay ma aha, waa magac uu isagu jeclaystay in loogu yeero laakiin aysan dadka badankii la garan,markii ugu horeysay ee uu booqday Belgium sanadii 2013kii, khudbad uu u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan ayuu ku yiri ”…qof aad u taqaanid Mooryaan ay dadka qaarkii u haystaan inuu yahay Hero!….” ma ahayn oraah nin mas’uul ah ku hadlo, ma ahayn oraah uu ku hadlo nin ixtiraamaya dadka xilka u dhiibtay… ma ahayn nin ummad sida Soomaaliya u burburtay inuu badbaadiyo raba uu fagaaro la soo istaago…..waxayse cadayn u ahayd oo keliya shiddada uu madax ku hayo iyo inuu Hero u yahay dad gaar ah oo uusan kala jeclayn ama dan ka lahayn waxa dadka kale ee uu madax-weynaha u yahay ay ka sheegayaan!….Maxaa Iga Galay?!…

Ninka sidaas u fekeraya, Xasan SHiikh Maxud, baa dalkii hoggaankiisii qabtay, nasiib darrada kale ee dhacday waxaa markii la keenay ee la soo doortay dalkii loo soo magacaabay Nicholas Kay oo isagun khibradiidsa iyo aqoontiisu tahay midda hoggaaminaysa xaaladaha dalka ka aloosan, sida Gal-Mudugta cusub iyo Puntland, sida Ahlu-Sunnah iyo Gal-Mudugta cusub, marka aad fiiriso ifafaalaha siyaasadeed ee hadda muuqdana waxaad arkaysaa in mashruuca Hiigsiga 2016ka uusan ahayn mashruuc Soomaaliyeed ee uu yahay mashruuc waxa loogu yeero Beesha Caalamka isla markaasna uu Nicholas Kay yahay ninka ka fulinaya Soomaaliya, waxaana shaki la’aan ah in munaasabadaha shirar badan ee Xasan SHiikh lagu casumo ama guud ahaanba nimanka magaceena huwan lagu qariyo wax ka weyn magaca casuumaadda loogu fidiyay, haddii aad isha geliso casuumadaha magacaooda iyo dalaka uu madaxdooda la kulmayana waxaa kuu soo baxaya sida laynoo shirqoolay, waana hubaa inaad marar badan idaacadaha ka maqashay “…. Markii uu dhammaaday kulankii ay ka qayb galayeen ayaa madax-weynaha wuxuu la kulmay madaxda beesha caalamka iyo safiirrada dalalka reer galbeedka iyo xubno ka socday jaamacadda carabta!….Markii uu dhammaaday kulankii ay ka qayb galayeen ayaa waxaa hoteelka ay deggenyihiin ku soo booqday mas’uuliyiin ka socda dalalk Deeqaha Bixiya iyo ganacsato ka socotay dalalka warshadleyda ah oo raba inay Soomaaliya maal gashi ku samaystaan!….”

Bal aan is weydiinee ma leennahay hay’ado dhisan oo kaalin un ka qaadan kara waxyaabaha shirarka aan tagayno looga hadlayo!…shirka ma aha Tie iyo Laptop qaado oo isku soo sawir, laakiin waa in joogitaankaagu macno ama saamayn ku leeyahay waxa shirka ku saabsanyahay!…Hasa yeeshee shirarka aan tagayno waxa Beesha Caalamka loogu yeero oo aan ka naqaan ninka la yiraahdo Nicholas Kay baa waxay u isticmaalaan sida Working Title-ka ama sida media-ha looga yaqaan Production Title oo macnaheedu yahay cinwaan si ku meel gaar ah loogu sii shaqeeyo ama la sii isticmaalo inta ay ka soo dhamays tirmayso hawl aan wali taabo gal noqon, Waxaana xaqiiqo ah in shirarka lagu marti qaadoiyo saraakiisha sarsare ee huwan xilalka dowladda Soomaaliya in loogu yeero in laga saxiixdo waxyaabo badan oo annaga oo aan ogeyn beritoo laynagu oran doono heshiiskaas waad saxiixdeen!……

Marka aad adigoo xaqiiqada raadinaya indho furan ku fiiriso sida loo agaasimay dhismaha maamulka Cadaado hadda looga dhawaaqay waxaad markiiba si fudud u arakysaa ujeeddada u weyn inay tahay in colaad hor leh la geliyo Soomaaliya!….u fiirso dhammaan heerarka uu Xasan SHiikh Max’ud la soo maray diyaarinta dhismaha maamulkaas waxay ku tusayaan inay yihiin kuwo si cad oo bareer uu ugu talo galay hurin colaadeed, waayo wuxuu in muddo ah isagoo isticmaalaya deeqaha dowladda federalka magaceeda ku yimaada, uu ciidamo u soo taba-baray hub faro badan soo gaarsiiyay qaybta Cadaado maamulka ka dhismay si ay u caburiyaan Ahla-Sunnah, sidaas oo kalana wuxuu muddadii uu Gen. Cabdi Qayb-Diid uu madaxda ka ahaa Gal-Mudug uu hub iyo ciidamo uu soo taba baray ku soo ururiyay qaybta uu maamulkaas ka joogo magaallada Gaalkacyo, marka arrintan waxaad moodaa inay ka mid tahay qorshayaasha Hiigsiga 2016ka ee madax-weynaha ee ma aha in wax ka khaldameen dowladda federal-ka.

Nicholas Kay oo isagu hadda madax ka ah diyaarinta iyo bislaynta dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo aan isku filanayn oo mar kasta magan u ah waxa Beesha Caalamka loogu yeero, waxaad moodaa inay qudhiisa la noqotay si taas loo xaqiijiyo in colaado hor leh Soomaaliya laga bilaabo, waxaana taas cadayn u ah sida uu uga jawaabay khilaafka ay arrintaas keentay, oo uu yiri waxaa loo baahanyahay inay ka heshiiyaan dhinnacyada Puntland iyo maamulka Gal-Mudug ee Cadaado lagu dhisay! Oo marba haddii uu aqoonsaday maamulka Cadaado looga dhawaaqay isagoo ogaa in khilaaf uu jiray! Mise afkiisa iyo dhegeihiisaan is maqal! Waase hubaal in wax badan ay ka indho tirayaan nooca uu inoo haysto iyo dhaqanka iyo hiddaha guumeystanimmada ee uu rumaysanyahay.

Heerka qalooca madax-weynaha iyo nimanka maamulka Cadaado ku dhisay waxaad ka garanaysaa, maxaa diiday in arrimaha maamul u samaynta gobolka laga talo geliyo ururka Ahlu-Sunnah oo iyagu ahaa quwad jirta oo deegaannada ugu waaweyn ee Gal-Gaduud gacanta ku hayay, maxaa loogala cararay in tallada ay qayb ku yeeshaan, dowladda ayeey la socdeen, taageerayaal u ahaayeen, maxaa colaadda loo tusay?! Maxayse tahay ujeeddada iyo danaha colaaddaas laga leeyahay ee ka weyn in Ahlu-Sunnah maamulka laga talo geliyo?!…Xasan-Hero oo keliya baa garanaya taas ee ha la weydiiyo!…kolayba Nicholas Kay waxba kama halaysna ciidamo kharaj yarna AMISOM buu ka helayaa!…..

DHanka kale, maxaa keenay maanta in goblka Mudug(yuusan dhamays tirnaan haduu doono) oo ka tirsanaa maamulka Puntland oo jiray 17sano, oo samaystay dastuur iyo nidaam maamul oo shaqaynaya isla markaasna ay aqoonsanayd dowladda federalka, la yiraahdo waxaan raacinay Gal-Mudugta cusub ee Cadaado lagu dhisay?!…iyadoo aan waliba wax tix gelin ah la siin maamulkii Puntland oo aan waxba laga weydiin, iyadoo la garab marayo xuquuqda uu dastuurka siiyay dad-weynaha Soomaaliyeed oo ah in maamul goboleedyada samaysmay ay ku yimaadaan heshiis iyo is af-garad dhex mara dadka maamul goboleedka samaysanaya taasoo aysan dowladda federal-ka ah ku yeelan Karin saamayn ka badan goob joognimo, maxaase diiday in degmooyinka Hobyo iyo Xarar-DHeere la raaciyo Puntland?! Maxaase diiday in lays raaciyo seddexda gobo lee aan wali samaysan maamul-goboleedka ee Gal-Gaduud, Hiiraan, iyo SHabeelaha-DHexe?!….Nin baa laga sheegay Hashu Maankayga Gadayee Ma Masaar bay Liqday?!….waa yaabee dadku af Soomaali kuma wada hadlayaan miyaa?!….

Wali waxaan rumaysnnahay in arrintan la saxi karo haddii ay jiraan wax khaldamay oo aysan ahayn wax ula kac loo sameeyay, waxaynu ka hadlaynay in doorasho qof iyo cod ah la gaaro 2016ka, riyo beenowday bay noqotay, Xasan SHiikh Max’ud noqon waa qofkii la moodayay, maalin kastana qolodii la yiraahdo dalka madax u soo xula Xasan oo kale ma waayaan, waxaan shaki ku jirin sababta ugu weyn ee Xasan SHiikh Max’ud uu isugu rarayo Gal-Gaduud iyo Mudug inay tahay isagoo og in saaxiibkii Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed uusan madax-weynenimo ka halayn maamul goboleed ka kooban 3da gobol ee Gal-Gaduud, Hiiraan, iyo SHabeelaha-DHexe, sidaa daraadeedna ay tahay inuu is raaciyo Mudug iyo Gal-Gaduud si uu isugu hubsado cododka doorashada mad-weynenimmada ee gobolladaas, waana halka ay ku kulamyaan danaha Xasan SHiikh iyo kuwa waxa Beesha Caalamka loogu yeero ee uu hoggaminayo Nicholas Kay oo iyagu ay qabyo ka yihiin arrimo badan oo ay ahyd inay Xasan SHiikh ka fushadaan.

Xalku ma adka haddii ay mar jirto dan guud oo aan wadaagno oo ah ka hor tagga colaado hor leh oo layna geliyo iyadoo loo adeegayo maslaxad gaar ah, xalku ma adka haddii aan si geesinimo leh u oggolaanayno wixii jid ah ama laynooga jid leeyahay, xalku ma adka haddi wax kasta cabsida Alle laga hor mariyo!….wali fursaddu waa jirtaa, waxaana u baahannahay inaan ka fekerno talo ka duwan midda hadda Cadaado looga dhawaaqay, waxaan u baahannahay tallo ka duwan midda Xasan SHiikh Max’ud, Cabdi- Kariim Xuseen Guuleed, iyo saaxiibadood ay isla soo meel dhigeen ee aan u jeedno saansaanta ciribteeda waxa ay tahay…..Waayeel waa ayama?! Waa innagoo aan is yeel-yeelayn!…. Nicholas Kay, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed waa ay ka mug weynyihiin macluumaadka kooban ee aad ka soo aqrisay buugaagta ay xaqiirnimmada ka buuxdo ee ay awoowayaasha ka qoreen!….

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Xigasho Raxanreeb

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author