Dhagayso: RW Sharmarke oo booqasho ku tagey Qardho iyo wuxuu ka yiri halkaas!!

9

17 july 2015 (Puntlandes) Raysul wasaaraha DFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Qardho ee Gobolka Karkaar.

Wafdiga Sharmarke waxaa magalada banaankeeda ku soo dhaweeyey Maamulka Gobolka iyo kan degmada, Xildhibaano Wasiirka Maaliydda Puntland, Cabdullaahi Shiikh Axmed, Wasiirka Garoomada & Duulista Xasan Cadde, nabadoonada gobolka iyo waxgarad kale.

10

Sharmarke ayaa waxaana aqalka magaalada laga dejiyey ku soo dhaweeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey Sharmarke ayuu kaga codsaday reer Qardhood inay ku garab istaagaan sidii uu u dhamaystiri lahaa Dastuurka qabyada ah ee dawladda Xamar, isagoo ku celceliyey dhawr jeer taageerada uu uga baahan yahay reer qardhood.

Waxaa wax la iswaydiiyo mudan waxa ay ku taageeri karaan reer Qardhood, haddii ay isku afgaran waayeen dawladda Puntland iyo Sharmarke oo wakiil ka ahaa Xasan Sheekh iyo Kooxda uu ka tirsan yahay ee Dam Jadiid?

Dhagayso RW Sharmarke


Puntlandes.com

About The Author