Baarlamaanka Xamar oo dhaarinayo maanta Guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha

160

20 july 2015 (Puntlandes) Baarlamaanka Xamar ee xasan Sheekh ayaa lagu wadaa maanta in lagu dhaariyo guddiyadii ay sida Sharci darada ah u sameeyeen ee kala ahaa  Guddiga Doorashooyinka iyo kan xudduudaha kuwaasoo dhowaan uu

Bbaarlamaanka dawladda Xamar ansixiyay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud habdhowraha Baarlamaankaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka baarlamaanka maanta uu ku saabsanyahay dhaarinta Guddiyadii dhawaan ay Xildhibaannada codka kalsoonida ah siiyeen.

“Maanta oo Isniin ah waxaa jira shirka baarlamaanka, waxaa jiri doono hadal jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka, sida ku xusan xeer hoosaadka qodobka 27 xarafkiisa “G” ayaa u ogolaanaya hadal jeedinta baarlamaanka iyo dhaarinta xubnaha guddiyada doorashooyinka iyo kuwa Madaxa banaan, waa la dhaarin doonaa, labada guddi waxa ay lafdhabar u yihiin arrimaha hiigsiga” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Dhanaka kale Baarlamaanka Puntland ayaa waxa uu diiday 5 qodob ay ka mid yihiin Guddiyada Doorashooyinka iyo Xudduudaha iyadoo sidii caadada u ahayd ay hawshooda iska wataan Baarlamaanka Xamar oo sheeganaya inay matalaan wixii la oran jiray Soomaaliya.

Raysul Wasaaraha Dawladda Xamar Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu gaaray Caasimada Puntland ee Garowe si uu ugu sheego Fariin ay usoo dhiibtay Kooxda maamusho Dawladda Xamar ,adaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland wax natiijo ahna kama aysan soo bixin Isaragaas.

Puntlandes.com

About The Author