Akhri: Xudduuda Puntland ee Dastuurkii hore & kan iminka, Ma Mudug oo dhan baa?

67

20 july 2015 (Puntlandes) Sida ku cad Qodobka 1aad farqadiisa 2aad ee Dastuurkii ama Axdigii ugu horeyyey ee ay Puntland yeelato waxaa dhulka Puntland ka kooban yahay Gobolka Bari, Nugaal, Sool, Koonfurta Togdheex (Degmada Buuhoodle), Gobolka Mudug oo laga reebo (Degmooyinka Hobyo & Xarardheere) iyo Bari, Koonfur & Waqooyi bari Sanaag , ka akhri hoos sida uu u qoran yahay Qobodkaas.

152b

Waxa uu Qodobka Koowaad si cad u sheegayaa in aan koonfurta Mudug ka tirsanayn Puntland laakiin ay ku soo biiri karaan, iyadoo la tixgelinayo Rabitaanka dadka dega halkaas aana cidna lagu qasbi karin wax aysan doonayan ama aysan iyagu dooran ka mid ahaanshahooda.

Hadaba taasi waxay ahayd Puntlandtii 1998 dii ka dib waxaa samaysmay oo ay dawladda Puntland magacawday Gobolo iyo Degmooyin kuwaas oo ah wax Puntland u gooni ah aana ahayn heer Soomaaliya ama Federaal. Waxaa ka mid ahaa Gobolada ay Puntland magacawday Gobolada Cayn, oo Buuhoodle xarun u tahay, Karkaar oo Qardho xarun u tahay, Hayland oo Dhahar xarun u tahay, Sanaag oo Badhan xarun u tahay iyo Mudug oo Gaalkacyo ay Xarun u tahay iyo Degmooyin badan.

Goboladan iyo Degmooyinkan ma aha heer Federaal oo marka Soomaaliya laga hadlayo Gobolada Soomaaliya waa 18kii Gobol ee jiray 1991 dii ka hor, kumana jiraan wixii ka dambeeyey.

Hadaba Dastuurka Puntland waxaa la diyaariyey oo Ergooyin la soo Xulayna ay u Codeeyeen 2012 waxaana soo diyaarisay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Faroole, Qodobka 7aad ayaana ka hadlaya dhulka Puntland. Qodobka 7aad uma qorna sidii kii ka horeeyey oo ay sal u ahayd 18kii Gobol ee Soomaaliya ka koobnayd 1991dii ka hor ee wuxuu u qoran yahay oo ku cad Puntland Goboladeeda oo ay ku jiraan kuwii ay Magacawday dawladda Puntland oo aan kor ku soo shegnay.

Wuxuuna Qodobka 7aad farqadiisa 1aad sheegaysaa in dhulka Puntland uu ka kooban yahay Gobolada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heyland iyo Sanaag taasoo ka dhigaysa in Puntland ka kooban tahay 8 Gobol waxaa kaloo xusid mudan inuu ku soo biiray gobol kale oo Gardefuu lagu magacaabo.

152a

 

Kooxda Dam Jadiid ee ku hawlan Burburinta Federaalka iyo dawladnimadii Soomaaliya ee mudada dheer laga shaqaynayey soo Celinteeda ayaa iyadoo qiil u raadinaysa maamulka aan dastuurkii ummaddu ku heshiisay waafaqsanayn waxay ku doodaa Gobolka Mudug oo dhan Puntland baa horay u sheegatay hadana maxaa ku jaban in Cadaado ay iyana sheegato?

Warkaasi waa been aan sal iyo raad lahay laguna jahwareerinayo dadka reer Puntland ayna ku Burburinayaan Federaalkii iyo Dastuurkii lagu heshiiyey kuna abuurayaan Colaad hor leh oo ka hurta degaanadaas. Waxaana Hubaal ah haddii ay Puntland wax sheeganayso inaan xaafada Baraxleey ee koonfurta Gaalkacyo aan dadkeedu maamul u gooni ah samaysteen.

Puntlandes.com

 

About The Author