Dhagayso: Baarlamaanka Puntland oo maanta looga hadlay Dhulka la haysto & xaalada ciidamada

22 july 2015 (Puntlandes) Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa maanta dib u kadib fasaxii ciida, waxaana looga hadlay Dhulka la haysto o oka maqan gacanta dawladda iyo xaalada ciidanka.

Xildhibaanadda ayaa maanta ku dheeraaday xaalada ciidanka iyo habacsanaanta ka muuqata, waxayna sheegeen qaarkood inaysan jirin ciidan midaysan tan iyo laga soo bilaabo xilligii la dhisay, waxay sheegeen habac-sanaanta muuqata inay sababtay in Gobalada Puntland ka tirsani ay gacanta ugu jiraan mamulo kale.

Xildhibaanadda ayaa codsaday in wasiirka Amniga iyo taliyaasha ciidanku hor yimaadaan Baarlamaanka si wax looga waydiiyo siday wax u jiraan iyo midayn la’aanta ciidanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire ayaa sheegay inay dhawaan hor imaan doonaan Baarlamaanka wasiiradda cusub ee uu dhowaan magacaabay madaxwayne GAAS si codka kalsoonida loogu qaado.

GAAS ayaa waxaa lagu xusuustaa markuu ololaha Doorashada ku jiray eraygii caanka noqday dadweynuhuna ay u Riyaaqeen laakiin ahaa Khiyaanada kaasoo ahaa ”Laascaano Faataxo laguma qabsan” GAAS kama uusan dhabayn balanqaadkiisii ku saabsanaa dhulka la haysto ee waxaaba gacanta Puntland ka baxay dhul horleh iska da amid uu soo celiyee!!

Dhagayso dood Xildhibaanda ee maanta


Puntlandes.com

About The Author