Daawo Video: Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo jirdil & ishortaag shaqo u gaystay wariyeyaasha Gobolka Mudug

22 july 2015 (Puntlandes) Ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada Puntland ayaa jirdil iyo ishortaag shaqo u gaystay qaar ka mida wariyeyaasha ka hawlgala Gobolka Mudug. Wariyeyaashan oo ku hawlanaa tebinta Booqashadii uu ku yimid Gobolka RW Cumar ayaa waxay Ciidamada madaxtooyadu u gaysteen jirdil mar ay doonayeen inay shaqadooda ka fuliyaan gudaha Abdulahi Yusuf Airport ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo isla markaasna laga hor istaagay inay gudaha u galaan Garoonka.

Waa 4tii Wariye ee la jirdilay

Dhacdadan aadka u Fooshaxun waxaa ka hadlay wariyeyaasha Gobolka Mudug iyo ururka MAP ee ay ku midaysan yihiin wariyeyaasha Puntland iyagoo Canbaareeyey kana dalbaday inay Xukuumadda GAAS jawaab waafiya ka bixiso Arrinkan.

Warbaahinta Puntlandes way cambaaraynaysaa tacadiga loo gaystay Wariyayaashan, Xukuumadda GAAS ayaa caadaysatay tacadiyaal ka dhan ah wariyayaasha ama dadka wax qora.

Daawo wariyeyaasha iyo MAP oo cambaaraynaya

Puntlandes.com

About The Author