Xagee ku danbeeyeen mashaariicdii waa weyneyd ee looga tegey Xukuumadda Gaas?

Waxaa jirtey mahaariic waa weyn oo hawshooda la wadey markii ay xilka la wareegtey xukuumadda haddda talada Puntland haysa ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Waxaa ka mid ahaa Garoonka Bosaso oo hadda socda iyo kan Garowe oo aan weli bilaaban. Waxaa kale oo ka mid ahayd jaamacadda Badhan iyo wadada halbawlaha u ah isu socodka Goboladda Puntland ee Gaalkacyo iyo Garowe.

Masharuuca Bosaso issagu wuxuu marayey meel gabo gabo ah oo waxaa dhimanayd oo keliya, kala saarka 3 sharikadood oo ka soo haray tartanka qaybtiisii hore. Mashaariicda inta kale waxaa la bixiyey lacagta oo keliya laakiin wax ”tender” ah ama yabooh ah lama samayn marka ay xukuumadaani xukunka la wareegtey. Mashruuca Jaamacdda iyo Garoonka Garowe waxaa lacagtooda bixisay, dawladda Kuwait. Halka ay arintu sidii Garoonkii Bosaso oo kale ka ahaan lahayd oo inta lasoo bandhigo sharikado ku tartami lahaayeen, ayaan waxaan wada aragnay labo nin oo lagu kala magacaabo Eng. Dr Rami Chehade iyo Eng. Maher Helal oo ay wataan wasiirkii horre ee maaliyadda Shire Xaaji Faarax iyo Faysal Xawar. Waxaa layiri waxay ka socdaan sharikad la yiraahdo NARCO, haddii labaaro magacaas la helimayo oo kuu soo bixi mayso sharikad wax dhista.

Waxaa intaas dheer in Rami Chehade uu issagu uu wax ka aas aasay, sida kuu soo baxaysa marka la baaro profile: kiisa,  sharikad la yiraahdo (Engineering and Consulting Group). Imaanshaha labadan nin waxaa ka horreeyey saxiix ka dhacay Dubai 14 April 2014 oo ay saxiixeen Faysal Xawar iyo Shire Xaaji Faarax iyo Nin kale oo magciisa lagu sheegay Nabil oo madax ka ah sharikad iyadana aan waayey markaan baaray oo markaan lagu sheegay MARCO (waxay ku kala duwanyihiin labada sharikadood waa xarafka ugu horeeya oo keliya oo tanna ah M halka tan labada nin oo horena ay ahayd N) markaan baaray Nabill waxaa ii soobaxay nin ay saaxiibo yihiin Rami Chehade oo layiraahdo Dr. Eng Nabil Ades oo issaguna ku magacaaban in uu wax ka aas aasay sharikadda Engineering and Consulting Group. Marka la eego sida wax loo maamulay iyo niman saaxiibo ah iyo sharikad jiritaankeedu uu mugdi ku jiro waxaa soo baxaysa shaki ah in wax la musuq maasuqay oo lacagtii Kuwait ku deeqday illaahay xaalkeeda ogyahay halka ay ku danbeysey.

Dhismaha Garoonka iyo Jaamacaddana uu mugdi ku jiro. Markaan u soo laabto wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo iyadu waxay gacanta ugu jirtey sharikad la yaqaan oo ah GIZ oo ah Germany, waxayna ku qoreen website kooda  in lacagta loo dhiibey oo masharuucaan uu  ka soo jeedo ”new deal” kii process-kiisu bilawday 2012, waxay disayaanna ay tahay dayac tir 400 KM oo Soomaaliya oo dhan ah, haddana ay mashaariic ka wadaan Somaliland, Puntland iyo South central!!! Hawsha ay wadaanna ay tahay tabobarid si ay Soomaalidu iyadu u samaysato jidadkeeda. Shaqaalaha u jooga Soomaaliya oo Dhanna ay tahay 4 ajinabi ah iyo 3 Soomaali ah, halkan ka akhri macluumaadkaas ay GIT ka qortay arrintaan.

Hadaba Madaxweynaha Puntland  issaga oo mar walba ku cel celiya in uu issagu keenay, mashaariicdaas salka ku haysa 2012 iyo xilliyo ka horreyey, oo uu dhisayo Jidad iyo kaabeyaal dhaqaale oo issagoo taa ka duulaya uu 11 March 2015, uu madaxweyne Gaas xaflada ku qabtay magaaladda Garowe, taas oo loogu yeeray daahfurka dhismaha waddada Garoowe iyo Gaalkacyo. Ku darsoo khudbadiisii wax qabadka xukuumaddiisa ee uu ka jeediyey Baarlamaanka15 June 2015, wuxuu ku sheegay in dhismaha waddadu bilaaban doono 15 July 2015.

Su,aasha meesha taal waxaa weeye Mashruucii waddadu ma wuxuu issu bedeley godad la buuxiyo iyo tabobarid Soomaaliya oo dhan ah? Ma markii xukuumaddii hore tagtay baa wasaaradda Qorshaynta Xamar bedeshey mashruucaas? Illen waatii Puntland iyaga toos loo hoosgeeyaye. Bal is weydiiya meesha uu ku danbaynlahaa Garoonka Boosaaso, haduusan qorsha iyo bilowgu iyaga ka hor marin, waa xukuumadda Gaase? Waa tii uu maalintii uu wareejinayey madaxweyne Faroole xilka lahaa mashruuc ”Pending ah” = la bilaabay oo aan dhamaystirnayn, sugaya xaqiijin, sugaya in uu dhaco,  sideedana hadii la rabo in mashruuc hagaago waa in diyaarintiisu fiicnaataa. Far baa ku godan sida loo maamulay  mashaariciidii kale oo qaarna rag gabogabeeyeen, qaarna lagayaabo in qolyihii Xamar oo waligoodba reer Puntland iyo mashaariicdooda iyo jiritaankoodaba caqabadda ku ahaa ay heleen fursad lagu hor istaago. illeen waatii la arkay markuu xukunka qabsaday Dr.Gaas isagoo leh, xildhibaano Xamar joogaa na matela, iyo lacagta waxaa u xilsaaran Dawladda Xamar, iyo Dastuurka waxaa ka wakiil ah Xamar.

war iyo dhamaantiis waa tii la arkay in nala sito eh. Dawladda madaxweyne Dr. Gaas waxaa laga rabaa in ay umadda reer Puntland u sheegaan meesha ay ku danbeeyeen Mashaariicdaas aan kor ku soo qaadanay. Oo wax la fahmi karo iyo goorta ay dhacayaan oo rasmi ah (wax jirra! oo ka bedelan jid baa la dhissayaa 15 July 2015) ay dadka u sheegaan.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author