Maxay Cadaado ka dheheen Xasan sheekh, Shariif xasan & Xaliimo Yareey?

23 july 2015 (Puntlandes) Maanta oo lagu caleemasaarayey C/kariim Xuseen Guuleed oo Dawaldda Xamar madaxweyne uga dhigtay maamul aan Dastuurka waafaqsanayn, (Dastuurku wuxuu qorayaa laba gobol iyo ka badan inay maamul noqon karaan, Cadaadana waxaa lagu hayaa gobol iyo bar), oo ay ku dhoodhoobtay Cadaado ayaa waxaa ka soo Qayb galay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galaad, Shariif xasan, Madaxweynaha Dawaladda Xamar Xasan Sheekh iyo Gudoomiyihii Gudiga sameeyey maamulka ay dawladda xamar Cadaado ku dhoodhoobtay.

Xaliimo Yareey

27

Ayaa maanta maray ka hadlaysay munaasabadaas waxay cadaysay inay maanta ka shaqaynayaan in la kala tago laakiin uu dhismo maamulka Cadaado berina ay hubto in Soomaaliyi isku imaan doonto oo dib u midoobi doonto waxayna tiri “Dadku waa niyad xun yihiin oo waxay leeyihiin xagaa saas ah iyo… laakiin waxaa aaminsanahay in Beri Soomaaliya la samayn doono oo ay dib u midoobi doonto, waan hubaa waxaan gaari doonaa maalin Soomaaliya oo dhan isku imaan doonto”

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galaad, Shariif xasan

27a

Ayaa ku sheegay Qudbadiisa inay Jiraan labo Fadaraal oo ku sheegay mid Digil iyo Mirifle watay laga soo bilaabo 1950kii iyo mid uusan sheegin cida wadata laakiin uu ku sheegay waxaa la doonayaa in dadka lagu kala qoqobo dawladda dhexena awooda lagu qabsado isagoo ula jeeda Puntland iyo Jubaland.

Shariif ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo haddii dadka koonfyrta Mudug iyo Galgaduud ay ku ekaanayaan dhulkooda wuxuuna yiri “Runtii aad baan usoo dhawaynayaa”. Shariif ayaa u laab qaboojiyey maamulka cadaado wuxuuna yiri “maadaama uu madaxweynihii halkaan joogo kuwa MAQAN way iska aqbalidoonaan” Shariif oo u ekaa inuu wax ogyahay waxaas oo ah in Jubaland iyo Puntland ogolaan doonaan ku tumashada dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay. Shariif ayaa hadalka ku soo gabagabeeyey isagoo u digaya GAAS iyo Axmed Madoobe wuxuuna yiri “waxwalba dawladda Faderaalka ha hagto hana lagu kalsoonaado”

Madaxweynaha Dawaladda Xamar Xasan Sheekh

157e

Madaxweynaha Dawaladda Xamar Xasan Sheekh ayaa sidii caadada u ahayd aan ka hadlin wax la taaban karo oo ku saamsan maaulka Cadaado isagoon ka hadlin koow inuu maamulka Cadaado uusan sharciga waafaqsanayn aysana cidi aqbalidoonin. Labo inuu sheeganayo dhulka Puntland.

Waxaana ku celiyey wuxuu sanad ku hadlayey oo ahaa maamul kale dhulkiis cid usocotaa ma jirto, ma doonayno in la carqaladeeyo Puntland…. Laakiin maanta wuxuu sheegay wax catow iyo dagaal ahaa isagoo yiri “Waa in la ixtiraamaa Cida mas’uuliyada loo dhiibtay” wuxuu ula jeedaa diidmada ay Jubaland iyo Puntland diideen inay Aqoonsadaan maamul aan sharciga waafacsanayn. Xasan Sheekh oo aad moodin inuu runta ka dhuuman karo ayaa ku calaacalay isagoo Puntland la hadlaya inuu Garab istaagay laguna nacay Jubaland dhismaheeda, nuu Garab istaagay laguna nacay KGS dhismaheeda,, hadana nuu Garabtaagan yahay laguna dagaalsan yahay dhismaha maaulka Cadaado kuwa diidana ay mar kale u mahadcelin doonaan!!!CAJIIM alla muxuu run sheegay ninku.

Ugu dambayntii xasan Sheekh oo ay ka muuqato isku kalsoonaan la’aan iyo cataw ayaa yiri hadal lala yaabay waxa uu ula jeeday kaasoo ahaa sidatan “Qof walba wuxuu mudan yahay Ixtriraam iyo Ciso isagoon madaxiisu hoos eegayna uu hadlo..” Xasan Sheekh ma wuxuu doonayaa in laga ogolaado inuu Dastuurka siduu doono ka yeelo? wuxuu yiri ma ogoli in la Carqaladeeyo Puntland hadana wuxuu isa soo agfariisiyey Prof Cali Khaliif Galayr oo uu ugu yeerayo madaxweynaha maamulka Khaatumo!! Xaggee buu Galayr Xukumaa? soow Xumaynta Puntland maaha? Muxuu Xasan Carqaladayn u yaqaanaa?

Puntlandes.com

About The Author