Beesha caalamka & Riwaayadii maanta ee Cadaado!

1475

23 july 2015 (Puntlandes) Maanta oo lagu caleemasaarayey C/kariim Xuseen Guuleed oo Dawaldda Xamar madaxweyne uga dhigtay maamul aan Dastuurka waafaqsanayn, (Dastuurku wuxuu qorayaa laba gobol iyo ka badan inay maamul noqon karaan, Cadaadana waxaa lagu hayaa gobol iyo bar), oo ay ku dhoodhoobtay Cadaado ayaa waxaa ka soo Qayb galay Wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo kala ah:

  1. Wakiilka Uganda
  2. Wakiilka IGAD
  3. Safiir kuxigeenka Itoobiya
  4. Wakiilka EU
  5. Ergayga Xoghayaha Guud ee UN ka

Ugu horayn xiriiriyaha ayaa ku bilaabaya CUDURDAAR ku saabsan in Wakiilada Beesha Caalamku ay deg degsan yihiin ayna doonayaan inay ka gaaraan shir sidaas darteedna dhaqso u baxayaan, wuxuuna ugu horayn makarafoonka siiyey Wakiilka Uganda oo yiri laba kalmadood oo hambalyeyn iyo mahadnaq ah. Kadibna waxaa makarafoonka loo dhiibay Safiir kuxigeenka Itoobiya Jamaal  oo sheegay in Cadaado ay horyaalaan laba Culays oo loo baahan yahay inay wax ka qabato tan koowaad oo uu ku sheegay Ahlusunna oo uu balan qaaday in Itoobiya gacan ka gaysanayso iyo tan labaad oo yri waa Sheegashada dhulka Puntland.

Wakiilka IGAD Amb Afey ma joojo!!

Kadibna waxaa loo yeeray Wakiilka IGAD Amb Afey HAL MAR BAA WAXAA LAGU QAYLIYEY WUU BAXAY oo ma joogo kolkaas buu buu Aragaxay qofkii xiriiriyaha ahaa oo uu u yeeray Wakiilka EU oo hambalyeyn ka dib ka hadlat sadex qodob oo waawayn oo kala ah:

  1. Amaanka: Wuxuu dalbaday maamulka Cadaado inuu Al Shabaab ka Xoreeyo Degaanada ay haysato sida Xarardheere
  2. Alhu Sunna: Waa qasab waajib ah inay Cadaado la heshiisaa ahlusunna ayna dhisaan dawlad wadajir ah wuxuuna yrir “sadex maamul ayaan Marqaati ka ahayn inay maamul wada dhisanayaan, iminkana mid baa maqan waana in lagu soo daraa”
  3. Puntland: wuxuu kaloo ka hadlay sheegashada dhulka Puntland

Kadibna waxaa loo yeeray Ergayga Xoghayaha Guud ee UN ka wuxuuna ka cudurdaartay inuusan Qudbadii usoo qartay uusan jeedin karin waqtiga oo ku yar dartiin, hambalyeyn ka dibna wuxuu ku mataalay waxa Cadaado ka socday Naag Foolatay oo Wiil dhashay laakiin Fooshii ay ku xumaatay oo wiilku u u baahan yahay dawwayn deg dega taasoo uu ku sheegay inay tahay labo dawo oo kala ah

  • Ahlusunna: Wuxuu yiri maruu ka hadlayey “Xiligii qoriga waa dhamaaday oo waxaa la joogaa xiligii wadahadalka waa in lala hadlaa Ahlusunna”
  • Puntland: Wuxuu yiri maruu ka hadlayey “Derisku waxay kukala badbaadi karaan inaysan wax isku sheegan, Besha Caalamku waxaa aasaas u ahaa ilaa 1993 nabad ayey ku wada noolaayeen waqooyiga iyo koonfurta Mudug waxaana doonaynaa inay sidaas nabad u ahaato”

Wuxuuna kusoo gabagabeeyey haddii wiilkan Cadaado ka dhashay uu helo labadaas dawo inuu wiilkaas kicidoono, waxay Beesha Caalamku ishilmaansiinaysaa inaý ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay Dastuur ayna ku qorteen in laba Gobol iyo wixii kabadan ay dawlad Goboleed dhisan karaan mana wafaaqsana waxa Xasan Sheekh iyo Kooxdiisu ku dhoodhoobtay wixii lagu heshiiyey. iyagoo iskaasna ka huleelay goobtii una dhaqaaqay dhan garoonka si ay uga duulaan halkaas.

Beesha Caalamku waxay u egtahay inay ka shaqaynayaan kala taga iska hor imaadka wixii Soomaaliya la isku oran jiray madaama ay gobol iyo bar leeyihiin waa dawlad, Galayrna isagoo sheegana madaxweyne uu dhinac fadhiyey maanta!!

Waxani maaha wixii Soomiyi ku heshiin lahayd ee waa sii kala fogayn, laakiin waxaa la arkin ninkay u daran tahay!!

Puntlandes.com

About The Author