Prof Galayr oo Xamar ku eedeeyey kala goynta Soomaaliya & Xasan Sheekh oo dhibsaday taas

24 july 2015 (Puntlandes)  Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galayr oo ka mid ahaa dadkii caleemasaarkaan, maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee ay Dawladda Xamar Cadaado ku dhoodhoobtay, lagu cusumay ayaa dowlada Xamar ee Xasan Sheekh ku eedeyey iney ka shaqaynayso kala goynta Somaliya wuxuuna sheegay inaysan Xamar ka jirin soo dhawaynta dadka Somaliland dega ee midnimda aaminsan.

28

Galayr oo aad u dhibsaday in ay iska hilmaamayaan magaciisa dadka Xaflada Cadaado jooga ee uu hiilka ugu yimid  ayaa yiri ”Hadaan maamulka la hilmaamayo ee Khaatumo nahay waxaan diyaar u nahay inaan isxulufaysano kan Cadaado”

Ugu dambayntii Galayr ayaa ku hanjabay haddii sidaa lagu wado inay Soomaaliya kala go’i doonto Xamar na ay leedahay mas’uuliyada kala go’a Soomaaliya.

Hadalka Galayr ayaa waxaa aad u dhibsaday maadama horay ay Puntland wax badan ugu eedaysay inuu xasan ka shaqaynayo kala go’aynta intii is ogolayd Soomaliya waana uu ku dheeraaday Xasan u jawaabida Galayr mana sheegin wax cusub oo la oran karo wuxuu ka shaqaynayaa isu soo celinta wixii Soomaaliya la isku oran jiray.

Waxaa hubaal ah in Xasan Sheekh iyo Kooxdiidiisa Qabiilka ku dhisan ay ka shaqaynayaan kala goyta Soomaaliya hadana ay meel fiican u marayso oo dhawaan la filayo inay Puntland ku dhawaaqdo Jubaland na ay ku xigi doonto.

Puntlandes.com

About The Author