Maxay Puntland ka yiraahdeen Xasan Sheekh & C/kariim Xafladii Xalay ee Cadaado?

24 july 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Xamar Xasan Sheekh oo dagaalan ku wajahan Puntland u yimid Cadaado una sameeyey maamulkaas aan sharciga waafaqsanauýn ayaa Qudbad JEES JEES ah oo ku wajahan Puntland xalay ka sheegay xaflad loo sameeyey dadkii ka soo qayb galay Caleemasaarka C/kariim marka laga reebo wakiiladii Beesha Caalamka oo isaga huleelay Cadaado waqti yar ka kib.

Xasan Sheekh iyo Fariintiisa ku socota Puntland

28a

Xasan Sheekh ayaa Puntland u diray Fariin adag oo uu COD DHEER oo Soomaali oo dhami maqlayso uu ku yiri LA IDIIN JOOJIN MAAYO ama qayliya ama ooya isagoo u yiri ama ku bilaabaya sidatan “Baarlamaanka Dawladda Federaalka wuu dhaqaaqay” Xasan ayaa u sharxaya dadka aan fahmin dhaqaaqaas wuxuuna yiri “Hay’adihii dastuuriga iyo Sharciyadii ayuu noo dhisay” intaas Xasan kuma uusan ekaan ee waxa uu ku sii darayaa “Hay’adihii dastuuriga ahaa ayaa maanta noo dhisan oo Baarlamaankaa ansixiyey Hay’ado CUSUB oo noo dhismay” Xasan waxa uu la hadlayaa waa dawladda Puntland iyo Shacabkeeda oo uu u sheegayaa in Guddiyadii ay diideen uusan ka noqonayn ayna ku qasban yihiin sandulena ay ku ogolaanayaan,Wax la fahmi karo maaha meeshuu Xasan awooda intaas le’eg ka keenay ma Beeshiisaa siisay? Ma Dastuurkaa siiyey? Ma awood dawladnimo oo uu Xoog dadka ku haystaa jirta? Soomaalidaa waxay tiraahdaa BUUN ninkii xadaa meeshuu ku yeerin lahaa ayaa la rabaa.

Baarlamaanka dawladda Puntland oo taageero aad u xoog badan ka haysta Shacabkiisa ayaa wuxuu soo saaray 12kii july 2015 4 Qodob oo uu diiday kana dalbaday inay dawladda Xamar ku saxdo ilaa bilowga oktober sanadkan halkan ka akhriso ama ka dhagayso, iyadoo uu Qodob ahaa Xeerarka ay dawladda Xamar soo saarto oo aan lagala tashan Puntland halka uu Qodob kale uu ahaa sadex Guddi oo ay dawladda Xamar iska magacaabatay la tashi la’aan isagoo uu Xasan Sheekh Hay’adihii dastuuriga ee uu Xalay sheegay ay yihiin kuwaas oo ah Gudiga dib u eegista dastuurka dowladda federalka, Gudiga Doorashooyinka iyo Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federalka.

Xasan Sheekh waa uu cadaystay xalay, wuxuuna cadaystay dagaal ka dhan ah Puntland dhulkeeda, dadkeeda iyo dawladeeda waana in loo diyaar garoobaa dagaalka Xasan Sheekh ee Qabiilka ku salaysan. Waxaa la gaaray xiligii ay ka tashan lahayd Xumaanta Xamar taal ayna Cagaheeda ku istaagi lahayd.

Puntlandes.com

About The Author