Baarlamaanka Dawladda Xamar oo loo qeybiyay Xeerar cusub iyadoo kuwii hore ay PL & JL diideen

25 july 2015 (Puntlandes) Baarlamaanka dawladda Xamar ayaa maanta waxaa loo qaybiyey wax loogu yeeray ”Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada” iyadoo Xildhibaannada uu ka hor akhririyay Wasiirka amniga Dawladda Xamar Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Xildhibaannada u sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay hindise sharciyeedkan sugidda amniga guud ahaan ee dalka Soomaaliya iyo fulinta sharciga, iyadadoo la dhowrayo xaqa muwaadintiinta Soomaaliyeed ay leeyihiin, waxana uu mudanayaasha ka codsaday in ay meel mariyaan hindishe sharciyeedkan CUSUB.

33a

Waxaa kale oo Baarlamaanka dawladda Xamar loo qeybiyay XEERAR dhowr ah oo ay ku jirtay XEER ku saabsan Nidaam siyaasadeedka iyo qorshaha sharciga lagu dhisayo dowlad goboleedyada xubinta ka noqonaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo uu baarlamaanku u soo diyaariyay Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka dawladda Xamar, waxaana Xildhibaannada qaraarkaasi ka hor akhriyay Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan.

Waxaa sidoo kale loo qeybiyay Xildhibaannada soo jeedin guddiga la socodka iyo dib  u eegista dastuurka, kaasi oo qaraarka Xukuumadda iyo Baarlamaanka loo muujinayo tubta loo marayo, waxaana Xildhibaanada ka hor akhriyay Xildhibaan Ibraahim Saalax Deefullah oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka.

Qaraarada maanta Xildhibaannada loo qeybiyay, waxaa isna wehliyay XEER kale oo  qabyo ah oo Baarlamaanka uu ka hor akhriyay, Guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaad uu Guddoonka baarlamaanka u xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan, habka loo wajahayo siyaasadda 2016-ka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Fadhaye,  kaasi oo ku qoto siyaasadda 2016-ka lagu hayo dalka.

Xeerarka maanta Xildhibaannada loo qaybiyey ayaa kala ah:

  1. Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada
  2. Nidaam siyaasadeedka iyo qorshaha sharciga lagu dhisayo dowlad goboleedyada xubinta ka noqonaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya
  3. tubta loo marayo loo marayo dib u eegista Dastuurka
  4. habka loo wajahayo siyaasadda 2016-ka

Soo jeedinta XEERARKAN ee Baarlamaanka dawladda Xamar waxay kusoo aadaysaa iyadoo horay uu Baarlamaanka Puntland u diiday iyo dawlada Jubaland XEERAR dhawr ah oo ay Dawladda Xamar soo saaray iyagoo ku tilmaamay kuwa aan sharciga waafaqsanayn. XEERARKANINA waxay uun la mid yihiin kuwii hore waana sharci daro aysan aqbali doonin.

Ugu dambayntii dawladda Xamar ayaa caadaysatay inay ku tumato Dastuurkii ay ummadda Soomaaliyeed ku soo heshiisay iyadoo u dhaqmaysa sidii dawlad aan Federaal ahayn.

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author