C/kariim oo Xamar tagay si uu uga qayb galo Shirka Dam Jadiid ee Dawladda Xamar

158

 

27 july 2015 (Puntlandes) C/kariim Xuseen Guuleed oo ay Dawladda Xamar madax uga dhigtay maamul aan Dastuurka waafaqsanayn oo ay ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado ayaa waxa uu gaaray Xamar si uu uga qayb galo Shirka ay Kooxda Dam Jadiid ee u talisa Dawladda Xamar ee uu madaxda u yahay Xasan Sheekh ay ku qabanayso Isla Magaaladaas Xamar ee Xarunta Gobolka Banaadir.

34g
C/kariim oo Xamar gaaray

Waxaa kaloo Shirka Kooxda Dam Jadiid oo lagu wado inuu dhaco 29-30 (Arbacada iyo Khamiista) ka qayb galaya oo lagu Casuumay Gudoomiyayaasha Gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe Banaadir iyo madaxweynaha KGS Shariif Xasan.

Waxaa wax lagu Qoslo ah inay Kooxda Dam Jadiid ka doonayso shirkaan inay ka soo baxaan wadadii dib loogu soo Cimaamadi lahaa inay ku Qaraabtaan magaca Soomaaliya iyagoo Shirkaas ku soo Casuumay dad iyaga ka tirsan oo ay iyagu u magacaabeen Gudoomiyayaal Gobol!!! CAJIIB

Waxaa kaloo Shirka Kooxda Dam Jadiid lagu Casuumay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyadoon ilaa iyo iminka aan la hubin in ay ka qayb galidoonaan iyo in kale, inkastoo la hadal hayo inaysan ka qayb geli doonin Shirkaas.

Puntlandes.com

About The Author