Dawladda Xamar: Guddigii aan Sharciga ahayn ee Xuduudaha iyo Federaalka oo hogaan doortay

26 july 2015 (Puntlandes) Guddigii aan sharciyadda haysan ee ay Dawladda Xamar si iskeed ah u magacaabatay ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa maanta guddoomiye u doortay nin lagu magacaabo Khaliif Cabdikariin, iyagoo kuxigeena u doortay Muuse Waxgarad Cabdullaahi, halka xoghayena ay u doorteen Liibaan Cali Sahal.

Waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeeenka Wasaradda arrimaha gudaha ee dawladda Xamar. Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in guddiga ay qaban doonaan howlaha loo xilsaaray.

Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dawladda Xamar ayaa sharaxaad ka bixisay wadooyinkii loo maray dhismaha guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka iyo Sharcinimadooda.

160a

Wasiir kuxigeenka Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xaaji Cali Sheekh Maxamed ayaa kula dar daarmay inay ka shaqeyaan howlaha loo idmaday ee loo Xilsaaray.

Guddigaan iyo labo Guddi oo kale ayaa waxaa diiday oo Sharcidaro ku tilmaamay Baarlamaaanka Puntland isagoo uu Baarlamaanku soo saaray inaysan imaan karin kana shaqayn karin dhulka Puntland isla markaasna aysan aqoonsanayn Guddiyadda iyo XEERARKA ay soo saartay dawladda Xamar.

Dawladda Xamar ayaa waxay Caadaysatay inay MAROOQSATO talada dalka iyadoon wax Sharciyad ah u haysan, waxaana yaab ah Koox aan Sharciyad haysan, lahayna awood ay dalka ku maamulaan inay ku tuntaan Sharciga dalka kadibna isku dayaan inay socodsiiyaan iyagoon cidna maqlayn.

Guddiyadan iyo Xeerarka ka soo baxay dawladda Xamar ayaan ahayn mid ka shaqayn doona  Dhulka Puntland sida lagu Sheegay Go’aan ka soo baxay Xukuumadda iyo Baarlamaaanka Puntland.

Puntlandes.com

 

About The Author