Baarlamaanka Dawladda Xamar oo meelmariyey Qorshaha DAM JADIID ee 2016

28 july 2015 (Puntlandes) Waxaa soo gaba gaboobay kulan uu lahaa Baarlamaanka dawladda Xamar kaasoo looga hadlayay Qorshaha Kooxda DAN JADIID iyo hiigsiga sanadka 2016, waxaana kasoo qayb galay Raysul Wasaaraha Kooxdaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

33a

Kulankan Baarlamaanka dawladda Xamar ayaa waxaa laga hor akhriyay saddex qodob oo ay ku soo heshiiyeen Kooxda DAN JADIID iyadoo qorshahu ahaa in la yiraahdo Baarlamaan dawladeed ayaa ansixiyey kadibna ay la tagaan Shirka ay Kooxda DAN JADIID ku qabanayso Xamar Berri.

Saddex qodob oo ay ku isku waafaqeen Kooxda DAN JADIID ayaa ah:

  1. Labada gole ee dowladda waxay isla garteen oo ay isku raaceen in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah
  2. In la qabto shirweyne heer qaran ah oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dowladda qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 Agosto marka la gaaro, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah
  3.  In qaban qaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dowladda qaadeyso lagu soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabato.

Kooxda DAN JADIID oo ay markasta u meel maraan qorshayaashoodu ayaa ka XALAALAYSTAY Baarlamaanka dawladda Xamar iyagoo berri Shirka xamar ka furmaya hordhigi doona Beesha Caalamka si loogu tuso inuu yahay Go’aan Qaran ee uusan ahayn go’aan Kooxeed.

Puntlandes.com

About The Author