Dhagayso: Gudoomiyaha Baarlamaanka Cadaado ”Gobolka Mudug oo dhan anagaa leh oo uu na hoos yimaadaa”

28 july 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Cadaado ee Galmudug Cali Casir Gacal oo waraysi siiyey Idaacadda BBC da ayaa sheegey iney wax ka badaleen qodob ka hadlayey xuduudka uu maamulkiisu la leeyahay dowlada Puntland kasoo abuuray Jawi Colaadeed.

35f

 

Casir ayaa sheegey in qodobkaan laga dhigey in maamulka Galmudug dhinaca Woqooyi ka xigo dowlada Puntland, Galbeedka ka xigo dalka Ethiopia, jiho barina ka xigto badweynta Hindiya halka Koonfurta uu xuduud kala leeyahay gobolka Hiraan.

Casir waxa uu ayaa yiri “qodobkaas laga doodayay wuxuu ahaa qodobka labaad farqadiisa afaraad oo ku saabsan xuduudka dowlad goboleedka Galmudug inay markii hore ahaa gobolka Nugaal, haatan waxaa lagu bedelay xuduudu dhanka Woqooyi inay tahay dowladda Puntland”

Casir oo wax laga weydiiyey in taas macanaheedu tahay in maamulkaan noqonayo mid ka kooban Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug o oka bilaabanaysa koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa diidey isagoo xusey in xuduudkoodu yahay midkii dowlada dhexe ee Somalia calaamadeysay ee Gobolka Mudug.

Casir ayaa sheegey in Waqooyiga iyo Koonfurta Mudug ay ka tirsan yihiin maamulkooda ay dawlada Xamar dhoodhoobtay isagoo meesha ka saarey in Maamulkoodu ka koona yahay Gobol iyo Bar.

Beesha Caalamka ayaa wax ka badalida qodobkaan waxay cadaadis ku saartay Kooxda DAM JADIID balse sida muuqata Maamulka Cadaado ayaan waxba ka badalin sheegashada Woqooyiga Mudug ee Puntland.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland Cabdiwali oo la ogaa sida ay sheegeen ayaa wax war ah kasoo saarin ilaa iminka isagoo kula Heshiiyey DAM JADIID inay wax ka bedelaan Dastuurka Maamulka Cadaado si uu u Khiyaaneeyo Puntland iyo Shacabkeeda.

Waxaa kaloo isna waraysi la mida kan oo ku saabsan in Gobolka Mudug oo dhan uu hoos yimaado bixiyey Maxamed Cabdi xaashi CARABEEY oo ku magacaaban madaxweyne kuxigeen maamulka Cadaado, Halkan ka akhriso ama ka dhagayso.

Dhagayso Hadalka Casir


ama halkan ka daawo

Puntlandes.com

About The Author