Dowladda Soomaaliya oo Galmudug u ogolaatay heshiis shidaal

29 july 2015 (Puntlandes) Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Dawladda Puntland waxaa ay heshay, haatan gacanteed ku jira, kuna lifaaqan war saxaafadeedka, heshiiska dhexmaray shirkada Link Natural Resources FZC iyo maamulka Galmudug.

Heshiiskaas oo Dawaladda Federalka Somalia ay taageero buuxda siisay, wuxuu ka soo horjeeda shuruucda asaasiga ah, Dastuurka ku meel gaarka ee Jamhuriyada Federalka Somaliyeed iyo Dawladnimadda Puntland.

Taageraddan qaawan ee Dawaladda Federalka Somaliyeed iyo Wasaaradda Macadanta iyo Shidaalka ee Muqdisho u fidisay heshiiskan, halkan ku lifaaqan, waxaa ay markhaanti ka tahay, hagardaamda iyo laba wejiileynta Dawaladda Federalka Somaliyeed.

Dawaladda Federalka Somaliyeed waxaa ay si aan qarsoonayn uga hortimaadaa mashaariicda barista shidaalka iyo macadanta ee Dawladda Puntland waddo. Laakiin waxaa dawaladdu si sharcidaro ah heshiis aan waafaqsanayn Dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuriyada Federalka Somaliya, la gashay shirkada Som Oil and Gas. Haddana waxaa ay si qaawan u taageersan tahay heshiiskan meel kadhaca ku ah xuduudaha Puntland.

Hay’adda Macadanta iyo Shidaalka waxaa ay si toos ah u wargelisey shirkada Link Natural Resources FZC. Waxaan u sheegay in ay si sharcidaro ah ku haysato dhul ka mid ah Dawladda Puntland, dhulkaas oo ay bixisay Galmudug iyo Dawladda Federalka Somaliyeed oo taageersan in xuduuda Maamulka Galmudug yahay xadka u dhexeeya Gobolka Nugaal iyo Mudug, sida ku cad heshiiska halkan ku lifaaqan.

36c

Hay’adda Macdanta iyo Shidaalku sinama ugama soo hor jeedo barista iyo soo saarista khayraadka saliida ceeriin, gaska iyo macadanta maamulka Gulmudug.

Sidoo  kale, Dawaladda Puntland waa ay soo dhoweyneysaa shirkadaha raba in ay waddanka soo galaan oo maal gashi ku sameeyaan si looga faa’iidaysto khayraadka waddanka. Laakiin waxaan ka soo hor jeedna heshiisyada sharcidarad ah iyo xulafaysiga qaawan ee Dawaladda Federalku dabada ka riixeyso.

Dawladda Puntland waxaa ka go’an in ay sii waddo mashaaricda barista shidalka iyo macadanta oo dan u ah Somaliya iyo shacabkeena. Sida oo kale, Dawladda Puntland waxaa ay cadayneysaa in ayan cidna marti uga ahayn horumarinta dhulka Somaliyeed, gaar ahaan Puntland iyada oon cidna u gudbineynin xuquuqdeed iyo awoodeheeda sharci ee ku qoran Dastuurka ku meelgaarka ah Jumhuriyada Federalka Somaliyeed iyo Dastuurka Dawladda Puntland.

Xigasho Xafiiska Hay’adda Macadanta iyo Shidaalka Puntland

Halkan ka Akhri Cadaynta

Puntlandes.com

About The Author