Sawiro: Madaxwaynihii hore Puntland oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay Garowe

29 july 2015 (Puntlandes) Madaxwaynihii hore Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha magalada Garowe.

Soo dhawaynta Farole waxaa ka qayb galay Madaxwayne ku xigeenkii hore Gen.Cabdisamad Cali Shire, Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire,wasiiraddii xukumaddii Farole, wasiiradda xukumadda Gaas qaar ka mid ah, siyaasiyiin, odayaal dhaqan, iyo boqolaal dadwayne oo ku labisnaa qaarkood calamada Soomaaliya iyo Puntland.

 36d

Dr.Farole ayaa sacod dheer oo lug ah kasoo bilaabay agagaarka bartamaha Garowe, wuxuna kusoo gaaray baraxada Garowe, isagoona halkaasi kula hadlay taageerayaashiisa soo dhawaynta ka qayb galayn, madaxwayne Farole ayaa marka hore u mahad celiyay dadkii soo dhaweeyay wuxuna sheegay inuu dib ugu soo laabtay dhulkiisa hooyo.

Waxa uu sheegay Hargaysa inuu u tagay arrin la xariirta tacsi uu u gudbinayay ehalka murwadiisii oo bilo ka hor lagu dilay magalada Garowe, wuxuna xukumadda Gaas uga mahad celiyay aaska qaran ee xaaskiisa u samaysay, waxa uu sheegay inuusan cidna culays ku ahayn haddii aan laga dhigin, sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay inay midnimadda ka shaqeeyaan oo aysan isku arag cadow.

Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed ayaa sheegay inuu la kulmi doono madaxda hadda xafiiska jooga, waxana markii danbe loosoo galbiyay aqalkiisa.

Dadwayne boqolaal gaaraya ayaa iskugu soo baxay baraxada magalada Garowe, kuwaasoo ku dhawaaqayay erayo soo dhaweyn ah iyo in madaxwayne Farole looga baahan yahay inuu wax ka qabto xaalada siyaasadeed ee dalka maadama uu ka mid ahaa raggii wax ka dhisay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sawiraddan waxay gaar u yihiin Puntland Post, waxana soo qaaday Cali Cabdi Ducale

IMG_0042 IMG_0056 IMG_0063 IMG_0088 IMG_0095 IMG_0115 IMG_0125 IMG_0138 IMG_0145 IMG_0149 IMG_0162 IMG_0170 IMG_0172 IMG_0187 IMG_0190 IMG_0199 IMG_0222 IMG_0224 IMG_0230 IMG_0242 IMG_0251 IMG_0261 IMG_0267 IMG_0268 IMG_0270 IMG_0280 IMG_0283 IMG_0292 IMG_0315 IMG_0335 IMG_0336 IMG_0338 IMG_0346 IMG_0350 IMG_0362 IMG_0394 IMG_0399 IMG_0411 IMG_0422 IMG_0427 IMG_0438 IMG_0440 IMG_0444 IMG_0453 IMG_0459 IMG_0467 IMG_0472 IMG_0493 IMG_0495 IMG_0499 IMG_0501

Xigasho: Puntlandpost

About The Author