Dhaqaalaha dhulkaga haka dhoofin!!

Soomaalidu  waxay ku maahmaahda,  (Sal iyo dhul isma  gafaan), waxaa  xigmadaas loola jeeda meel kasta oo aad Adduunka ka tagto ama  aad maalgashato  waxaa  ku hudhan  dhulkaaga Hooyo, (lama huraan waa cawska jiilaal), haddaba dhaqaalaha dhulkaaga hakala dhoofin ee ku dhis   kuna  keydso  waayo waa dhaxal awoowe, waa dhulkaagii (Ebbe) sida garkaa  kuku beeray..

Haddii  dalkaaga aad  kala guurto aqoontada Ganacsigag iyo aqligaag  sidee  dalkaagu hormar u Gaaraya?  Yaa  dalkaaga hormarinaya?  yaa  ku ganacsanaya?  haddii  taajiriinta Soomaaliyeed  ka guuraan? haddii  dalkeennu maalgalin lagu samaysto soo yaran mayso shaqo la,aanta dalkeenna haysata soo  dhalinta wax bartay  shaqo ma heleen?, yaa dalkeenna  u maqan. haddiise  aad  dalkaaga kala guurto aqoonta yaa dalkaaga aqoonyahan  u noqonaya?

Waxaan aad  ugu mahad celinaya ganacsatada Soomaaliyeed ee  dalkooda Soomaaliya Malgashaday   kuwaas oo qayb weyn ka qatay hormarinta iyo bilicda dalkeenna  waxaan  u mahad celinaya  Shirkaddaha  ka ganacsada dhulkooda Hooyo , inta dalkooda ku kalsoon oo maal gashaday.

 

Yaa dal hormariyaa?.

Adduunku wuxuu ku hormaraa waa dhaqaalo haddii aan dhaqaalo lasamaayn Hormaar iskama yimaado” Dal” wuxuu ku hormarana waa dadka iska leh dalkaas oo maalgashi ku samaystaa mal Qabeenada Soomaaliyeed Dalkooda ayey kala guuraan malkooda hadana waxay ku doodaan dalku muxuu la xasili la,yahay, haddee is weydiih dal ay Ganacsatadiisii) maal gashi ku samaysanayaan dalal kale sidee xasilooni iyo hormar ku gaarayaa?.

Ganacsatada Soomaaliyeed waxay maal gashadaan dalalka shisheeye iyaga oo dalkoodu uu yahay dalka ugu Ganacsiga wanaagsaan caalamka lagana heli karo wax kasta oo bini`aadamku ku ganacsaan karo haddii ay noqon lahayd Xoolo Beero Bad Maydi Kalluun IWM waxaa laga yabaa inay ku doodaan Dalku nabad mahan laakiin gayiga Soomaali ama dhulka Soomaliya oo dhan colaad kama jirto ganacsatata Soomaaliyeed waxay maal gashi ku samaysan karaan inta badan koonfurta  Soomaaliya, Puntland, Jubaland, Soomalind, iyo Dawlad deegaanka Soomaali Itoobiya  oo, ah dhul Soomaaliyeed waayo intaas ba waxaa ka jirta xasilooni la isku halayn karaayo.

Ganacsatada Soomaaliyeed iyo dalalka ay malgaliyaan

Taajiriinta ama ganacsatada u dhalatay Soomaaliya waxaay maalgaliyaan dalalka dariskaa sida Keenya, Ethiopia Emirates,Ugandha,Zambia iyo dalal kale oo badan hantitaas ay Soomaalidu dalalkas shisheeye Galinayaan waxaa hubbaala haddii ay dalkooda ku soo celin lahayeen Canshuurta). ay dalalka shisheeye siinayaana, ay dalkooda ku bixin lahayeen waxaa hubaala in dalkeennu noqon lahaa mid xasiloon waayo haddii shaqo abuuris la sameeyo waxaa meesha ka baxaysa shaqo la,aanta colaada iyo faqriga.

Fursadaha qaaliga ee dalkeennu dheeryahaay dalalka kale.

Fursadaha an dalalaka kale laga helin laakiin laga heli karo  dalkeenna waxaa ka mid inaan haysano Badii Birigii Xoolihii Furdadihii ama Dakadihii laakiin ummadda Soomaaliyeed ayaa dayacayday dhulkii adduunka ugu Ganacsiga wanaagsanaa oo ah dalkooda Soomaaliyeed waxaad arkaysaa Ganacsato Soomaaliya ka soo guuraya hadana maalgashanaya dal xitaa bad iyo biri midna ku wanagsanayn deedna laga yaabo inay halkaas ku hanti beelaan soo talo xumo mahan?.

Waxaa jirta xigmaad dhahaysaa Geelu wuxuu ka mid yahay (xayawaanka) ugu awooda badan xayawaanadda laakiin awoodiisa waa laga qariyey waxaan ula jeeda Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa laga qariyey dhulkooda wanaaga yaal waxaa xaqiiqa Ganacsatada Soomaaliyeed dhibka ka soo gaara dalalka ay maal gashadaan inuusan ka soo garayn haddii ay maal gashadaan dhulkooda Alle siiyey.

Kalsooni darata ummadda Soomaaliyeed dalkooda ka haysata

Waxaa umadeenna ka luntay dhammaan kalsoonidii ay ku qabeen dalkooda taas oo keentay inay maalkooda galiyaan dalal ka liita Soomaaliya kadibna intoota badan ay ku hanti beelaan taaso aan cidna uga garabay ama cidna ka naxayn xitaa haddii hantidood hortoota lagu boobaayo ileen ayagaa doortaye..

Tusaale Muhiima

Waxaan tusaale yar idinka siinaya Shirkadda Golis oo Soomaaliya ka Ganacsata waxay ummadda Soomaaliyeed ku soo kordhisaay hormar aan caadi ahayn waxay caawisay boqolaal Soomaaliyeed ayada oo ay shaqo Abuur u samaysay taas badalkeednaa Golis waa ka faa,iiday ka ganacsiga dalka gudihiisa waana ka faa,iido badan tahay kuwa dalalka shisheeye maalgashada.

Golis kama wal-walaan goormaa la idin dhihin nooga guura dalka waayo Ganacsatata Golis waxay malkoodii galiyeen dalkoodii hooyo waana tusaale ay ku cimri qaadan karaan taajiriinta Soomaaliyeed ee malkooda ka dhoofiya dalkooda dabcan waa jiraan shirkado kale oo dalka maal gashadaay laakiin tan waxan u soo qaatay waa tusaale iyo in ganacsatata Soomaaliyeed ay aminaan dalkood maalgashina ku samaystaan.

Talo soo jeedin iyo   gabagabadii)!

Talo soo jeedin ku socota maalqabeenadda Soomaaliyeed Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa sal iyo dhul isma gafaan) meel kastoo aad u guurto waxaad tahay Soomaali meesha kaliya ee aad ku kalsoonan karto waa dhulkaaga hooyo Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa inay dhulkooda maal gashadaan kuna  samaystaan  maalgashi dhan kastaa   waa  labo jeer faa ‘iido mar adigaa dhulkaagii  maalgashaday marna  adigoo bulshadadii u faa ‘iideyey,

21

 

Cabdinuur Faarax Maxamuud
Abdinuur02@gmail.com

Falanqeeye  arrimaha bulshada

About The Author