Dhagayso: Wasiir Soocadde ”Haddii aanu qaadanayno Go’aanada Shirka Xamar kasoo baxa waanu tegi lahayn”

30 july 2015 (Puntlandes) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dawladda Puntland Maxamuud Xassan Soocadde oo waraysi siiyey maanta idaacda BBC ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta aysan dawladda Puntland uga qayb gelin Shirkii Xamar ka dhacay.

169i

Wasiir Soocadde ayaa sheegay inay Puntland uga baaqatay Shirkaas ka dib markii ay DFS ku tumatay Dastuurkii lagu heshiiyey ayna bedeshay Qodobo ka mid ah, inay samaysay maamul aan Dastuurka dalka waafaqsanayn iyo waxyaale kale oo badan.

Wasiir Soocadde ayaa sheegay Puntland oo ah Hooyada Federaalka Soomaaliya inaysan tagayn meel lagu dhibaataynayo ummadda Soomaaliyeed.

Soocadde oo la waydiiyey maadaama ay Puntland ka mid tahay Soomaaliya soow kuma qasbana inay qaadato waxa ka soo baxa Shirka Xamar wuxuuna ku jawaabay ”Haddii aanu qaadanayno Go’aanada Shirka Xamar kasoo baxa waanu tegi lahayn”

Wuxuu kaloo Wasiirku ka hadlay inku dayo la isku dayey in la xaliyo inay suurtoobi wayday ayna sababteeda leedahay dawlada Xamar oo dhisaysa maamulo aan Sharciga Waafaqsanayn kuwii Sharciga ahaana ay la dagaalamayso.

Dhagayso Wasiir Soocadde


Puntlandes.com

About The Author