Hambalyo ku socota SHacabka Puntland & Madaxweyne GAAS

Hambalyo ku aadan Aasaaskii Puntland

Caawa oo ay taariikhdu tahay 30ka july 2015 maalin ka dib waxay ku beegan tahay sanadguuradii 17aad ee Aasaaskii Puntland oo Dhidibada loo taagay taariikhdu markay ahayd 1da Agoosto 1998dii.

Anoo uga Faa’iidaysanaya Fursadan waxaan HAMBALYO u dirayaa Shacabka reer Puntland ee Guddaha iyo daafaha Caalamka ku nool iyo dawladoodda oo Allaha wayn garansiiyey inay dhistaan dawladda Puntland oo ahayd GUUL WAYN oo usoo hoyatay.

Puntland waxaa la gaaray xiligii Dawladeedda iyo Shacabkeeda ay dib u eegi lahaayeen wixii u qabsoomay 17kaas sano oo ay Puntland soo jirtay, waxaan u qabsoomin iyo inay iyagoo Gacmaha is haysta Dawlad iyo Shacab ay u istaagi lahaayeen sidii ay uga Miradhalin lahaayeen sidii Jiilasha soo socda ay ugu noolaan lahaayeen Puntland ka fiican tan maanta, Puntlandta Berrina ay u noqon lahayd mid ka fiican tan maanta.

Hambalyo ku socota madaxweyne Gaas

38f

Waxaan u dirayaa madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Hambalyo iyo Bogaadin ku aadan go’aankii GEESINIMADA ahaa ee uu ka qaatay Dawladda Xamar ee aan marnaba ka shaqaynayn danaha guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa reer Puntland.

Waxaan Cod dheer oo FARXADI ay jirto ku leeyahay Madaxweyne waxaad qaadatay Go’aan Geessinimo ah ayna taariikhdu xusi doonto, Madaxweyne waxaad qaadatay go’aan ay doonayeen dadkaagu kuguna garab taagan yihiin ayna aad ugu diirsadeen.

Madaxweyne waxaa HUBAAL ah inay Shacabkaagu kugu garab istaagi doonaan kuguna taageeri doonaan go’aanka aad ka qaadatay dawladda Xamar.

Dawladda Xamar ka talisaa midnimo Soomaaliyeed iyo dawladnimo Soomaaliyeed midna doonimayso ee waxay hurinaysaa Colaad iyo iska horkeen ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan waxay weerar dhan walba ah ku haysaa Jubaland iyo Puntland. Dulqaad kuwaas loo dulqaataana keenimayo ama adkaynmayo, Midnimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed ee waxa kaliya oo uu keenayaa inay Burburiyaan Jubaland iyo Puntland.

Mar labaad iyo mar sadexaad waxaan ugu hambalyeynayaa madaxweyne Gaas go’aanka sharafta iyo geesinimada Xambaarsan ee uu ka qaatan dawladda Xamar.

Shacabka reer Puntland

Shacabka Puntland waxaad tihiin Shacab dawladeed oo qalad kasta oo jira u tanasula dawlad iyo walaaltinimo jacayl waa wax aad u fiican taasi waana wax aad u wayn oo ay tahay inaynu Allah uga mahadnaqno mar walba siina xoojino.

Walaalayaal waa inaynu ilaashanaa Barwaaqada, Nimcada iyo Puntlandta Allah ina siiyey inana aynu dadaalnay, waana inaynu ogaanaa oo mar walba maanka ku haynaa in madaxdaxdeenu yihiin dadkaynu u dhiibanay inay na Hogaanshaan naguna HOGAANSHHAAN rabitaankeena.

Mar labaad waxaan u dirayaa Shacabka iyo dawladda Puntland Hambalyo ku aadan sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Dawladda Puntland, waaxaana leeyahay ku gaara sanadkan kisa kale Barwaaqo, Midnimada iyo Horumar.

945

Mahadsanidin
Mr Mahdi Yuusf Dhuux

Daabcaada: Puntlandes.com

 

About The Author