Daawo Video-cadayn ah: GAAS oo Puntland ka dhigay waxaan jirin”””

2 Agoosto 2015 (Puntlandes) Tan markuu xilka la wareegay Madaxweynaha Puntland ee ay madaxmartay jacaylka uu u qabo Villa Somalia wuxuu Puntland ka dhigay meel aan qariiradaba ku oolin iyadoo la xusuusyto Maqaamkay lahayd Puntland iyo siday Soomaalida kale iyo Beesha Caalmakaba saamaynta ugu lahayn loona maqli jiray.

Waxaan la inkiri karin in GAAS ka hor marka Beesha Caalamka ay Soomaaliya usoo magacawdo Safiir ama Wakiil in meesha ku xigta XAMAR ee uu booqdo Safiirkaas ama waliikaas ay ahaan jirta Puntland taasi hada waa isbedeshay oo waxay markaasi ahayn markay Puntland CODKA lahayd GAAS ka hor lakiin hada loomaba baahna in la yimaado Puntland.

Xasan Sheekh oo Warqadihii aqoonsiga ka Gudoomay

40b

Tusaale dawladda Ingiriiska ayaa Marwo Harriet Matthews usoo magacawday Safiir cusub Soomaaliya 16 maarso 2015, madaxweynaha DFS Xasan Sheek ayaa warqadii aqoonsiga ka gudoomay 20kii july 2015.

Booqashada Safiirka ee Hargaysa

40c

Safiirka Dawladda Ingiriiska Marwo Harriet Matthews waxay Caasimada Hargaysa ee Somaliland tagtay 24 kii July iyadoo ka mid ahayd wafti culus oo dawladda Ingiriiska ka socda oo halkaas gaaray.

Booqashada Safiirka ee Baydhabo

Marwo Harriet Matthew ayaa shaly 00 ay taariikhdu ahayd 1 Agoosto gaartay magaalada Baydhabo iyadoo kula shirtay madaxweynaha KGS Sheekh Shariif taasoo ay si cad u tiri inay cadaynayso booqashadeedu Qiimaha iyo saamaynta uu maamulkiisu ku leeyahay Soomaaliya, Xusuusnow in markay Garoonka ka degtay lagu qaaday TAANGI AMISOM amni dartiis!!!

Daawo Booqadashadii Baydhabo

Booqashada Safiirka ee Kismaanyo

40d

Ugu dambayntii maantay oo ay taariikhdu tahay 2 Agoosto ayey Safiir Harriet Matthew waxay gaartay magaalada Kismaanyo ee Caasimada KMG ee Jubaland iyana TAANGI AMISOM ayaa looga qaaday Garoonka amni dartiis!!

Aaway Kaalintii PUNTLAND???

Puntland GAAS ayaa ku CIYAARAY wax door ahna kuma lahan Soomaaliya iyo Beesha Caalamka maanta. Puntland waxay gaartay in Gobol dhan oo ka tirsan, Gobolka Mudug, la BOOBO waxaana taas sabab u ah GAAS iyo JILEECIISA, GAAS iyo taloxumadiisa, GAAS iyo maamul xumadiisa, GAAS iyo wax maqal la’aantiisa.

3A

Waxaa ah su’aal la iswaydiiyo waxa ay Shacabka reer Puntland ka sugayaan GAAS? ma wanaag ayuu soo wataa mise waxay Sugayaan inta gudanayo Shaqadii uu Xasan Sheekh usoo dirsaday ee ahayd BURBURINTA Puntland?

Puntlandes.com

 

 

About The Author