Daawo Video-Sawiro: Somaliland oo sheegatay inay ka dambaysay in shalay lagu gubo Calanka Puntland Magaalada Buuhoodle

2 Agoosto 2015 (Puntlandes) Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxaa Shalay ka dhacay Rabshado looga soo horjeeday xuska sanadguurada 17aad ee kasoo wareegatay markii la Aasaasay dowladda Puntland.

Shaqsiyaad ka tirsan maamul uu hogaamiyo Prof Cali Khaliif Galayr ee lagu magacaabo Khaatumo ayaa abaabulay in Rabshado la sameeyo oo laga hor yimaado Munaasabadaas lagu xusayey 1da Agoosto.. Buuhoodle ayey  ku gubeen dadkaas lasoo abaabulay calanka Puntland.

Soomaaliland ayaa ka hadalay Rabshadii shalay ka dhacday Buuhoodle iyagoo ku sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen in la gubo Calanka Puntland sida uu cadeeyey Wasiirka Caafimaadka.

Tani waxay Shacabka reer Puntland tusaysaa Fashilka Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali GAAS uuna madaxeyne kuxigeenka ka yahay Inj Camey o oka soo jeeda Buuhoodle.

Tan iyo markuu GAAS xilka la wareegay waxay Somaliland ku Xoogaysatay degaanada SSC iyadoo degaano horleh la wareegay. Waxaana xusid mudan in  madaxweynaha Somaliland Siilaanyo uu soo gaaraya Tukaraq laba jeer sanadkan 2015 oo kaliya midkoodna kama uusan hdal GAAS.

Daawo Xaglotoosiye

40

40a
Puntlandes.com

About The Author