Daawo-Dhagayso: Gudoomiyaha Barlamanka PL oo ku taliyey in la raaco Rabitaanka Shacabka PL & GAAS oo ujawaabay kana hor yimid

2 Agoosto 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo ka hadlay Xafladii dabaaldegga sanadguurada 17aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Puntland ayaa ku taliyey inuu GAAS Ixtiraamo rabitaanka Shacabka reer Puntland oo doonaya inaan waqti dambe Puntland uga lumin Xamar. Madaxweynaha Puntland GAAS ayaa ugu jawaabay Gudoomiyaha si aan haboonayn kana hor yimid Rabitaanka Shacabka reer Puntland, isagoo Puntland u qaba wax uu isagu leeyahay.

41

Puntland waxaa uga dhumay Xamar iyo raadinta Soomaali wayn 25 sano oo waqti ah, Dhaqaale aad u fara badan iyo dhiig badan GAAS na wuxuu doonayaa inaynu waligeen Muran kula jirno Xamar?

1a

 

Sidaani caadi maaha maxaa yeelay qofku hadduu waxuu doonayo waayo wuxuu ka badain waayo ayuu sameeyaa, Haddii aysan suuroobin midow Soomaali 25 kii sano ee lasoo dhaafay ayna muuqan waqtigan xaadirka oo dawlada Xamar usoo hub qaadatay siday ku BOOBI lahayd Gobolka Mudug maxaa talo ah?

Madaxwyne GAAS wuxuu ka horyimid Qodob Dastuuri ah waana Qodobka 4aad ee Dastuurka Puntland!!

Daawo oo Dhagayso talada wanaagsan ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo jawaabta GAAS

Puntlandes.com

 

About The Author