GAAS: Puntland magaca ha laga bedelo oo iyadoo qariidad ahaan inta ay hadda tahay ka yar Soomaaliya ha loo bixiyo.

Fikradaasi waa tii uu soo jeediyey C/weli Gaas markuu ka khudbeynayey xafalddii Xalay ee sanad guurada 17 aad ee aasaaskii Puntland.

Horaan anigu usheegay in khudbaddiisa oo dhami ku dhantahay sheegasho iyo ku faanid shaqo uusan qaban, sida Garoomo ay reer Puntland ka dhoofi doonaan iyo jidad soo socda iyo wax la mid ah halkan ka akhri.

Waana filayey runtii in uu kusoo qaadan doono khudbadiisa, laakiin marna fili meyn  in uu jeedin doono khudbaddii ugu doqonsanayd oo ugu caqliga xumayd ee laga hor jeediyo abid bulsho horteed.

Waxaa ka muuqatey ” desperation” iyo aqoon la,aan wax uu sameeyo. Wuxuu inkiray oo wax kama jiraan ka soo qaaday qodobka 4aad ee Dastuurka Puntland ee lagu ansixiyey madal mateleysey ummadda reer Puntland. Dastuurkaas oo uu u dhaartay ilaalinteeda. Qodobkaasi wuxuu si cad u qeexayaa waxa la yeelayo hadii Soomalidu ku heshiin weydo hab fedaraal ah iyo haday daba dheeraato qaska ka socda qaybta koonfureed ee Soomaaliya. Qodobkaas wuxuu tilmaamayaa in ay banaan tahay aayo ka tashiga Puntland. Gaas (ma istaahilo in Madaxweyne loogu yeero haduu inkiray qodob dastuuri ah) wuxuu yiri, Puntland (isagoo ula jeeda aniga Gaas ah) waxay waligeed  raadinaysaa Soomaali oo mid ah. Isaga raba in uu arrintaas sii adkeeyo buu yiri, Xataa hadaan weyno Soomaali nala rabta ama nala garata Puntland kaligeed baa Soomaaliya ahaanaysa.

Anoo si toosa u weydiinaya taagerayaasha  Gaas su,aal ah, qiil ma loo heli karaa caqli xumi intaas le,eg???

Wuu sii watay hadalkiisii oo wuxuu naqdiyey soo jeedintii iyo taladii gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Siciid Xasan Shire taas oo ahayd in ay haboon tahay in aynaan isku daalin dad aan iyagu wanaag rabine in ay tahay in loo soo jeensado Puntland taasoo ka tarjumaysa RABITAANKA Shacabka reer Puntland, wuxuu Gaas ku jawaabey sidatan.

Fikirka uu soo jeediyey gudoomiyaha Baarlamaanka waxa la qaba dad badan oo reer Puntland ah ( Majority = kuwa aan indho la,aanta ku taageerin Gaas) marka waxaan u sheegayaa kuwaas, fikirkaas waxaa qaba cadowga ummadda Soomaaliyeed. Halkan ka daawo taladii Gudoomiyaha iyo jawaabtii GAAS!!

Dawlad kasta oo Xamar ka dhalata, siyaasi, aqoonyahay iyo oday dhaqameedka koonfurta Gaalkacyo ilaa Xamar oo aan iyagu rabin dawladnimo ama aan rabin in ay wax la wadaago dhismaan miyuu ula jeedaa ”cadaw ga ummadda Soomaaliyeed”. Xaalka meeshuu marayo xataa waxaa lagu cabiray riwaayadii waaberi Puntland in Soomaaliya cadaw kale aysan lahayne ay tahay qolayaha Xamar jooga waxa diidey in Soomaali mid ah la helo. Tollow misse Cadawga ummadda Soomaaliyeed wuxuu ula jeedaa Siciid Xasan Shire,(Maxamed Saliid= oo mar walba qora qodobka 4aad ee dastuurka Puntland) iyo inta badan ummada reer Puntland oo mudaharaadka iyo qoraaladaba ku muujiyey aragtidaas????.

Isagoo iska dhigaya in uu isagu yahay malaa,ig badbaadinaysa Soomaaliya buu wuxuu yiri. Aabaha Soomaaliyeed (koonfurta soomaaliya) wuxuu u rabaa caruurtiisa Biyo nadiif ah, Waxbarasho iyo Isbitaal, laakiin dhibtu waxay tahay oo keliya in aysan helin hogaan wanaagsan!!!!!!!!!!!!!!!?

Su,aasha aan taageerayaashiisa weydiin lahaa waxaa weeye hogaamiyaha wanaagsan sida lagu helayo.  Ma qar iska xoornimada Gaas baa?? Illeen wuxuu ku soo khatimay in uu isagu shirweyne Qaran qabanyo e.

Hadayse sheekadu sidaa u fududahay, miyaa Soomaaliyi 25 labaatan sanadood iska daba ka wereeg ku jiri lahayd , sidii QIIQA oo kale?

This man is crazzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzy! Wallaahi anigu xalaan ka quustay.

Baarlamaanka Puntland waxaan leeyahay wacade hawl baa idiin taal. Illeen shuruudihiinii aad u qabateen hadii ay fuli waayaan Oktober in ay tegeyso qodobka 4aa ee Dastuurka Puntland iyo dastuurkiiba wataa uu Gaas sida tooska u baalmaraye. Ama ku raaca oo Puntland ku iibsada wax aydaan heleyn ama isaga ka bilaaba oo ka tuura meesha. Labaas arrimood wax soo raaca anigu garmayo.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author