HALLISTA REER JUBBALAND KU SOO FOOL LEH HADDII XILDHIBAANADA LA IIBSADO (Maqaal TALO SOO JEEDIN)

41b

Baryahaan waxaa ay hadallo iyo khudbado daacadnimo xambaarsan kasoo baxayeen Madaxwayne Axmed Madoobe, waxaana xigtay 15 Casho kadib doorashaa dhacaysa.

Dad badan baa durba dareen gallay “kaallay Doorashadan degdeggaa maxaa ku hoos gudban”, hadday meesha daacad iyo Dimoqraadiyad ka jirto waxay ahayd in laba sano ka hor la shaaciyo xiliga Doorashada si markaas loo kala xusho Hogaamiyaha ku habboon reer Jubbaland.
ay
Haddii ay Doorashada soo socota ee Jubbaland markaas kuraasta Baarlamaanka la kala iibsado waxay Jubbaland hallis u gallaysaa Hogaamiye meello kale laga soo waariday oo lasoo bartilmaamadaystay in uu ku guulaysto Doorashada, halkaasna ay hadana noqoto hadda iyo dagaal cusub iyo ku kala carara.

Bil xaqiiqiyan AXmed Madoobe waa hogaamiye buuxiyay xilligan adag ee lagu jirro dhamaan waxyaalaha muhiimkaa ee Hogaamiye-nimmo, waxaana hadda aad mooddaa in haddii xildhibaanada la kala iibsado ay markaas khatar gallinkarto in si fudud loo iibsado xildhibaanada Jubbaland sidaasna lagu afduubbo qorshihii horey u socodka ee ree Jubbaland.

Waa ay buuuxaan dad aad u badan oo dhan kasta Axmed Madoobe ugagag habboon dhanka daacadnimada iyo Hogaaminta, laakiin dadkaas hadda way adagtahay sida loo ogaado ama ay bulshada uga soo dhexbaxaan, hadda waa xilli adag bulshadana kuwa horboodaya waa kuwii ugu daniiste sanaa, marka markaan eegnay dadka hadda bulshada horboodaya AXmed Madoobe waa nin aad uga horeeya, markaas waa in ay reer Jubbaland taa dareemaan.

Hadaba shacabka reer Jubbaland waa in ay hurdada ka kacaan oo dalkooda iyo mustaqbalkooda illaashadaan oo ay “DIIDAAN XILDHIBAAAN BEEC AH, WAA IN AY DOODDA XILDHIBAAN BEEC AH KA HORMARSHAAN DOORASHDA”

WAA IN MARKA HORE LAGA DOODO SIDII LOOGA HORTAGI LAHAA XILDHIBAAN BEEC AH, MARKAAS KA DIB LAGA DOODO SIDII DOORASHADU U DHICI LAHAYD.
HALKAAN KA EEG QORMO AAN PUNTLOANDOBSEVER KU DAABACNAY 3 SANO KA HOR OO SI FIICAN U BAYAANINAYSA SIDA LOOGA HORTAGO XILDHIBAAN BEEC AH

DHANKA KALENA SIYAASIGA DR BAADIYOW OO NOQDAY SIYAASIGA KALIYA EE XILDHIBAAN BEEC AH KA HADLAY DHAMAAN SIYAASIYIINTA SOOMAALIYEED MEEL WALBA OO AY JOOGGAAN DOODDAAS WAA KA GAABSADEEN

Sidee lacagta loosiiyaa Xildhibaanadda maadaama ay doorashadu qarsoodi tahay (Akhri falanqaynta)

Waxaan ku faraxsanahay sida ay Xukuumadda Puntland qorshaha ugu darsatay la dagaalanka MUSUQMAASUQA, WAANA WAX LAGU FARXO, WAXAANAN KU BOORINAYNAA IN AY XUKUUMADDA PUNTLAND QORSHAHA KU DARSATO SIDII LOOGGA HORTAGI LAHAA XILDHIBAAN BEEC AH INTA AAN LAGA DOODIN SIDII AY DOORASHO XOR PUNTLAND UGA DHICI LAHAYD

Puntlandobsever Desk

 

About The Author