Gabay Puntland ku socda lana magac baxay: Caqli iyo Caynaansami

Gabaygaan waxuu ka hadlayaah dhammaan sida Goballada puntland looga dabaal dagayo maalinta maamuuska mudane ee  munaasabada  Sannad guurada (Puntland) waxaana ku muujinayaah horumarka ka soconaya dhammaan deegamada maamul Goballeedka puntland ee Soomaaliyeed ,
         waxaana iri

ü   caynkiisa gabay waa anigaan curinin  waagaane

ü  caynaanka maansada anaa caalim ku ahaaye

ü  kuman ceersi baan soo marshoo waaban curiyaaye

ü  camalkiisa waan soo rogaa goor calaal baxaye

ü  casharada daruustiyo hiddahaan kuba camreeyaaye

ü  hayeeshee ayaamahakan culay cimidhsi suugaane

ü  eegana waxaan kuu carabin yoolka camakaysan

ü  badda cirif haddii laga mariyo dunida caynkeeda

ü  ceelka Mudug cuhaarsiga Nugaal tan iyo Ceelgaabo

ü  cidhfaha Bari cimaalkaas Karkaar culusta haylaana

ü  caluulada adduunkuba yaqaan caalidnimadeeda

ü  Gardafuuy waxay can ku tahay loona camaheershay

ü  cisha miradsigeedaan aqaan tan iyo cayntaase

ü  Sanaag camaladeediyo haddii Baran la ceemaalsho

ü  cimilada Punt-laand baan arkoo ceersi may lahane

ü  kuma ceel dirtaan meelahay cidi ku gaadayne

ü  nabadeey ku ceel dhaarriyaan camaladeedaase

ü  dariskay ciseeyaan kolkaay xaajo ciriqdaaye

ü  ilaah baa casiisee dadkani culimo weeyaan

ü  waa niman ciddaafiga nacoo diintu celisaaye

ü  waa niman carada ay hayaan nabadu ceegaagto

ü  waa niman cilmiga baahiyoo jaahil cubbiyaaye

ü  waa niman islaamkaba caqladin caajiskana diida

ü  waa niman cuddaarkoodu yahay caaqil tala keena

ü  waa niman cisigu yara harsaday caris ahaantiisu

ü  waa niman cilladda duulal kale kuba cibbaaraynin

ü  waa niman cakalashay wadaan talo ku ciimayso

ü  waa niman curuubiga sugoo diin ku camaloone

ü  waa niman iskaashigu camiray kalana cadaadin

ü  wahay curinta maansada haddii la isu caal daayo

ü  culimada suugaantiyo haddii culus la heenseeyo

ü  curaariga amuuraha bulshada kuba casaamooday

ü  garta ciidhay xaajada gurracan hadalka ciiqaamay

ü  kama caabadaan maalintay taladu caal-weydo

ü  cadhay hadalka kama baanjiyaan  camal ku baarkiisa

ü  mana caabbiyaan duul casamay dhoolka camakaysan

ü  hadafkoodu waa caallan yahay sida cimaadhaase

ü  cara kaba fagaadoo waxay kuba cil dhaabtaamba

ü  cilmi iyo aqoon baahin iyo culimo weeyaan

ü  dawladeena curatee haddeer sii cushaar baxaysa

ü  caaqil iyo garaad dheerahaa lagu camreeyaaye

ü  caalim iyo aqoon dheerahaa lagu ciseeyaaye

ü  ilaah baa casiisee dadkani culimo weeyaan

ü  waxba caynka maansadu haddeer yaysan can galine

ü  casharkaan dhigaayaah haddaad garato  ceeshkiisa

ü  calankeenna weeyaan waxaan kuu carrifayaaye

ü  waqaa meesha calankaa jiraa lagu carraabaaye

ü  ciidda aan ku noolnahay haddaan yaraba caameeyo

ü  waa caynaanka Soomaaliyeed caaqilkii wadaye

ü  ku soo carara duul yahaw halkaan caadil baa dhigaye

ü  casharada wanaagana ka baro dunida ceemaysa

ü  waliigana calankaaga dhawr waad ku caan noqone

41a

Midnimo & mawaafaco

Abwan) Guraase  Bashiir  Nuur Gaas

Axmedcaabi04@hotmail.com

About The Author