XOG: Madaxweynaha Puntland oo Warshad Biyo ka sameystay Boosaaso

5 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Xilka haya ee Puntland Abdiwali Ali Gaas, Iyo Qunsulka Soomaaliya u Fadhiya Dubai Cumar Abdicasiis ayaa Puntland ka Hirgaliyay Warshad Biyo. Warshadan Biyaha ayaa fikirkeeda uu lahaa Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas oo Muddooyinkii danbe lagu Xamanayay inuu Gacanta la Galay Arrimo Ganacsi.

42h

Masuul ku Sugan Madaxtooyada Garowe ayaa Xaqiijiyay Lahaanshaha Warshada Biyaha Shaafi oo ey ku Baxday Lacag aad u badan. Muddooyinkii u Danbeeyay Waxaa Shaqaalaha Puntland soo Wajahay Mushahar la’aan Muddadii Uu Xafiska joogay Madaxweynaha Puntland Xili Dakada Boosaaso ey aad u Camirneyd balse la waayay Mushahar la qaato. Waa Markii ugu horeysay Madaxweyne Abdiwali Gaas dibbada lasoo dhigo Hanti Ma Guuraanka Uu ku lee yahay Puntland Muddadii Uu Xilka hayay.

Warar kale ayaa sheegaya Amar kasoo baxay Madaxweynaha Puntland in Lagu Amray Madaxtooyada Iyo Xafsiiyada Dowlada in Biyahan oo kaliya la keeno taasoo muujineysa Awooda Madaxweyne Gaas.

About The Author