Badbaado Qaran ma waxaa loola jeedaa Burburka Puntland?

Tan iyo intii aan dooranay Xisbiga “badbaado Qaran!!!” ee uu hogaamiyo C/weli Maxamed Cali Gaas. Waxaa jirey walaahow iyo is dhexyaac maamul oo ay dadka reer Puntland ku wareersanaayeen  meesha wax ka khaldan yihiin.

Haddaan dib u xusuusano waxaa go,naa xiriirka wada shaqayneed ee dawladda Xamar iyo Puntland markii la toortay tan hadda jirta.

Waxaa la ogaa in iyadoo aan qaab sax ah loo marin la soo ceshey xiriirkaas. iyada oo uu ku doodayo hogaamiyaha kooxda “Badbaado Qaran” in ay Puntland wax uga halaabayaan kala go,naanta xiriirkaas. Waxaa ka mid ah erayadadiisa in ay wanaagsan tahay Soomaali mid ah oo meel u wada jeeda. Oo yaa diidan??

Hadaba Maxaa dhacay sanad iyo barkaas ay kooxda “Badbaado Qaran” xukunka Puntland haysey.

31 july 2014. Waxaa kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Xukuumadda “badbaado” xilli habeenimo ah go,aan lagu gaaray sadexda qodob ee kala ah.

  • In Puntland ay Xiriirka u jartay DFS.
  • In Xildhibaanadda iyo Wasiiradda kasoo jeeda Puntland ay dib ugu soo laabtaan puntland muddo 15 casho gudohood si ay uga qayb galaan wada tashi waxa xiga.
  • In Puntland ay dib ugu yeertay xubnihii u matalayay Gudiga dib u eegista Dastuurka Qabyadda ah.

Intaas ka dib waxaa dhacay wada tashiigii uu ku baaqay Hogaamiyaha kooxda “Badbaado Qaran” iyo xildhibaanadii puntland ugu jirey dawladda Xamar.

20 August 2014 waxay isla gaaren 4 qodob oo kala ah sidatan.

  • Dawladda Puntland iyo Mudaneyaasha Baarlmaanka Federaalku waxay isla garteen in tabashooyinka iyo eedaymaha Puntland ka tirsanayso Dawladda federaalka ay yihiin kuwo jira oo leh cadaymo dhab ah.
  • Mudanayaasha Baarlmaanka federaalka Soomaaliya waxay ka codsadeen Dawladda Puntland inay bixiso fursad wada hadal muddo 30 beri gudahood ah laga bilaabo 20/8/2014. Dawladda Puntland codsigaas way ogolaatay, waxaase shardi ah in wada hadalkaas ay goob joog ka noqodaan Beesha caalamku madaama heshiisyadii iyo wadahadaladii hore ee dawladda DFS iyo Puntland aanay hirgelin
  • Haddii fursadda wada hadahadaladaas lagu guul darraysto waxna laga qabanwaayo eedaymaha Puntland u soo jeedisey DFS Dawladda Puntland waxay qaadanaysaa tilaabadii kale ee ku haboon, ee dastuurkeedu ogolyahay.
  • In heshiis Xamar lagu saxeexay uu xaaraannyahay.

Intaas Waxaa xigey in uu waqtigaas Dhacay, Puntlandna aysan wax ficil ah ka qaadan (ka been sheeg go,aanadaas).

Arrini si kastaba ha ahaatee waxaa Garoowe yimid Ra,iisulwasaarihii hore bishii Oktoobar, kulana saxeexday heshiis puntland 14 October 2014, heshiiskaas oo ka koobnaa 12 qodob.

Taas waxaa xigtey in markuu Xamar tegey issagii la bedeley.

Siyaassadii guracneyd ee Xamarna halkeedii bay ka sii socotey.

Laakiin aan dib ugu noqdo taxanaha siyaasadda Khalkhalsan ee Xukuumadda “Badbaado Qaran “ ee  uu hogaamiyo  Cabdiweli Gaas.

23 June 2014 waxaa shir jeraa,id ku qabtay Ciise Dhoolawaa isaga oo ka cabanaya heshiisyo dhinaca baarida iyo soo saarida shidaalka oo ay dowladda faderaalka Soomaaliya la gashay shirkado shisheeye. Xukuumada Gaas kama hadlin arrintaas.

Intaas waxaa ka denbeysey shirar uu Xamar uga qayb galay Hogaamiye Gaas iyo taas oo muujineysey in la isku soo dhawaadey.

Bal taasi ha joogtee, waxaa xigey in Mooshinnadii Xaaranta ahaa ee Baarlamaanka Xamar ka keeneen Baarlamaanka Juba oo dhaliyey in 6 June 2015 laga soosaaray in ay ku kala direen Barlamaankaas.

Waxaa taas barbar socotey in ay Baarlamaanka Xamar iyo Xukuumaddooduba ay maal iyo Muruq ku Bixiyeen in ay dhisaan Maamulka aan sharciga waafaqsanayn ee Cadaado.

Kaas oo Sheegtay in uu qaatay dhul ka mid ah Puntland 17 June 2015. Intaas waxaa xigtey in 30 june 2015 ay dawladda Xamar Ku guuleysatey in ay Shirkadda Africa Energy (Horn Petroleum Corp) ka erido Puntland, hawshaas oo muddo soo jiitameysey, wax hadal iyo ka gilgilasho ahna aan laga helin Xukuumadda “Badbaado Qaran” ee uu hogaamiyo Gaas. Shirkaddu waxay qiil uga dhigtay ka bixitaankeeda qodobadaan.

” In its notice to the Puntland Petroleum and Minerals Agency, the Company cited the uncertainty of the current political climate in Somalia, especially in respect of the disagreement between the Federal Government of Somalia and the regional government of Puntland, Somalia over the legitimacy of the PSAs, and potential territorial claims on the Nugaal Block, as the principal reasons for its decisions.”

Waxaa taa xigtey in Baarlamaanka Puntland 12 July 2015, kasoo saaray

1:Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray Dastuurkii lixda saxiixayaal uu yahay kii rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aanan sharci ahayn

2:Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray xeerarka Baarlamaanka FD ansixiyay oo aan lagala tashan dowladda Puntland sida uu qabo 111 ee dastuurka DFS, kuwaasoo aanan sharci ahayn, Puntland-na aanan ka shaqayn karin.

3: Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray inaanayn sharci ahayn, guddiga dib u eegista Dastuurka DF, guddiga doorashooyinka, guddiga xaduudaha iyo arrimaha federaalka kamana shaqo gali karaan dhulka Puntland.

4:-Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray in dhismaha dowlad-gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka Federaalka qodobkiisa 50- farqadiisa lixaad oo ah labo gobal iyo wax ka badan aanan waxba ka jirin Puntland aanayn aqoon-sanayn.

5:Baarlamaanka Puntland waxa uu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga kan xiga qodobaddaasi dowladda Federaalka inay wax ka badashay oo dariikhii saxda ahaa kusoo celiso iyo in kale.

Intaas oo Dhan waxaa ka denbeysey KHUDBADDII GAAS EE 1 AUGUST 2015 UU KU YIRI IN PUNTLAND (GAAS) AY WALIGEED RAADINAYSO SOOMAALIYA, HADAY WEYDONA AY IYADA KALIGEED SOOMAALIYA NOQONAYSO.

Ciise Dhoolowaa wuxuu maanta August 2015, uga digey Dawlada Federaalka Soomaaliya (= Dawladda Xamar) inay meelmariyaan Sharciga shidaalka Soomaaliya, kaasi oo la horgeeyey Golahooda Baarlamanka horraantii bishan.

Su, aashu waxaa weeye  Dr. Gaas iyo Xukuumaddiisu, Badbaado Qaran, ma waxay u yaqaanaan Burburinta Puntland?

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author