XOG MUHIIM AH: Muxuu isku Casilay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga Puntland

6 Agoosto 2015 (Puntlandes):- Warsidaha Puntlandone.com ayaa si buuxdo loogu xaqiijiyey inuu xilkii ka tagay Agaasimihii Guud wasaaradda Ammaanka Dowladda Puntland Khadar Muuse Guure oo uu warqadda iscasilaadda Geeyay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland uuna hadda sugayo in laga aqbalo.

Khadar Muuse Guure ayaa ka mid ahaa Agaasimeyaashii guud ee sanadkii 2014 bilowgiisii uu magacaabay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo markaas xilka ku cusbaa, waxaana mudadii uu shaqaynayey uu ahaa mid aan inta badan warbaahinta kasoo muuqan jirin aysanna muuqan shaqooyinka uu qabto, halka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kale Maalin walba la arko ama la maqlo iyagoo ka hadlaya wax ku saabsan shaqooyinka ay ka hayaan wasaaradaha ay ka tirsan yihiin.

Dhawaan waxaa jirtay in barta Bulshadu ku xiriirto ee facebook lasoo galiyey in Agaasimahaan xilka laga qaaday waloow markii dambe warkaas laga beeniyey Madaxtooyada Puntland, waxaana Iscasilaaddiisu ay ku soo beegmaysaa iyadoo ay jiraan arrimo la xiriiray in Khadar Muuse Guure uu saarnaa Cadaadis dhanka shaqada ah.

Muxuu isku Casilay?

Ilo wareedyo xog ogool ah ayaa helay xog ku saabsan sababaha uu masuulkaani xilka uga tagay, sababahaas oo ay kmid yihiin in wasaaradda dhaqaali yari soo foodsaartay muddooyinkii ugu dambeeyay ka dib markii sanadkii hore wasaaradda laga dhex saaray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland oo laga dhigay Hay’ad Madaxbanaan loona magacaabay Cabdirashiid Sheekh Cali Axmed.

43

Xafiiska Jinsiyadaha iyo Socdaalka Puntland ayaa laga dhigay mid guud ahaan ka madax banaan Wasaaradda Ammaanka iyo Hubka dhigista Puntland marka loo fiiriyo,maaliyad ahaan iyo shaqo ahaanba isagoo toos u maamula dakhliga kasoo xerooda fiisooyinka lagu soo galayo Puntland iyo kuwa laga dalbanayo qunsuliydaha ku yaala magaalo madaxda Garowe.

Sidoo kale Sababaha uu masuulkaani isku casilay waxaa ka mid ah inay isku reer yihiin Wasiirka dhawaan Xilka loosoo magacaabay ee Cabdi Xirsi Cali Qarjab, taas oo sii xoojisay Cadaadiskii dhanka shaqada ahaa ee Saarnaa Khadar Muuse Guure.

Si kastaba ha ahaatee Iscasilaadda Agaasimaha Guud ayaa imaanaysa iyadoo Wasaaradda Ammaanka Dowladda Puntland laga soo sheegayo in dhaqaali yari ay haysato, sidoo kalena ay horyaallaan howlo fara badan oo hubka dhisgista sixidda ammaanku ugu horreeyaan.

Xigasho: Puntlandone.com

Puntlandes.com

About The Author