MAQAAL: Hogaamiye indho leh ayaa hogaamin lagu hormaro leh

Taariikhdaa wax laga bartaa,beena masheegto sidaa daraadeed burburkii gayiga soomaaliyeed ka dhacay 1991 dii ayaa saameeyay tuulo, dagmo, gobol, sikale hadaan u dhigno  laf,jilib,beel,iyo qabiilkastoo soomaaliyeed amaba caruur,haween,waayeel,dhalinyaro,rag iyo dumarba.

Mudo dheer ayay soomaalidu kujirtay dhibaato maamul la aan,barakac aafooyin dagaal aan macno lahayn. Arimahan oo dhan ayaa waxaa keenay burburkii dawladii qaran ee ay soomaali ku midaysnayd ka hor 1991 dii. waxaa raacdo loo galay sidii loogu soo dabaali lahaa soomaaliya nidaamkii iyo kala danbayntii oo dawlad loogu dhisilahaa laysuguna keeni lahaa.Arintaan waxaa ka qayb qaatay soomaali iyo caalamkaba waloow loowaayay xalka gaarid rasmi ah sida dawladaha qaarkood ay durba uga kabteen dagaalada sokeeye ee keena in dawladu burburto oo meeshaba ka baxdo.

Hadaan usoo laabto deegaanada JUBALAND waxay kamid ahaayeen kuwa uugu dhibaatada badan,uuguna dib dhacsan,xaga nabad galyada,ganaacsiga,waxbarashada.waxaana uugu wacnaa arintaa dhulkan JUBALAND oo ah dhul qani ah leh khayraad farabadan,beero,kaluun,xoolaha nool,shidaal,iyo macaadin kale oo farabadan,sidaa daraadeed koox walba iyo beel walba oo soomaaliyeed ayaa damacday in ay boobaan dhulkan ayagoo ka faa iidaysanaya burburkii dawladii soomaaliyeed. marka laga tago beelaha soomaaliyeed ee aan u dhalan JUBALAND ee doolka ku yimid iyo boobka dagaankaan,ayaa hadana waxaa dhacday nasiib daro in dadkii dagaankan u dhashayna garan waayeen in ay garbaha is qabsadaan dhistaana maamul ay kumidaysan yihiin oo difaaca dagaankooda. waxay noqdoon kuwo kooxo iyo jilibyo hoosaadyo u kala jaban nin walibana uu dan yaroo gaar ahaaneed raadsanayo,tanaa keentay in dhexdooda laga faa iido intay isku mashquul sanyihiin.

Majecli in aan afka ku dhufto beel balse taariikhdaa ila galaysa sidaa daraadeed dhanka wanaagaan usocdaa sidaa haloo fahmo.Waamarag madoonto in geeska afrikada madaw iyo caalamkuba ogyihiin waxay galaan ama gudaan beesha DAAROOD ISMAIL JABARTI. Waxaadse moodaa in 60 kii sano ee u danbeeyay la dhex galay, la barxay oo dabac iyo jileec galay,hufnaantii iyo dhaqankii ay gaarka u lahaayeen,hadaan yara tusaaleeyo waxaa kamid ahaa habka marti soorka oo marti soo hoyatay waxay siin jireen waxay haystaan waxa uugu mudan ayagoon waxba reeban. ayagoo hobo tusaalaynaya wiilashooda yaryar in ay xilka xili hore qaadaan ayaa gabayadooda waxaa kamid ahaa
“WIIL HADUU LABA IYO TOBAN JIROO LALI AHAAN WAAYO,
MARTI SOO HOYATAY HABEEN HADUU LUUN KAROGI WAAYO,
LUDIISA RAGANIMO KUMAJIRTEE KAA HALA OGAADO!.”

Xaga guurka waxay ahaayeen kuwo guurka ka fiirsada oo u meel daya,maha uun garbasaar mawada taa! waxay gabdhaha kabixin jireen boqol halaad iyo barqabkii,fardo,qoryo iyo shay kastoo qiimo leh. waxaa kamid ah dhaqankooda in gabdhaha laga bixiyo sooryo ama gabaati,in laga bixiyo yarad. waxay dhaqaalayn jireen oo lawaynaa xididka oo ah reerka gabadhu kasoo jeedo oo aan ahayn qoskeeda sida aabaheed iyo hooyadeed iyo waxay dhaleen ee waa jilibka iyo qoyska labadaba xurmo iyo sharafbaa loo hayn jiray. Dagaalada waa ku daraayeen oo waxay ahaayeen dad aan ku dagdagin dagaalka balse guusha iyo libinta ku geeraara oo ku danbeeya.waxay ka xaroogoon jireen,in ay dilaan ninka geesiga ah ee bulshada wax tarka u leh,odayada,dumarka,culimada,iyo guud ahaan waxay oran jireen biri ma gaydo. waxay aad u jeclaayeen gabayada,suugaanta,iyo xikmada. waxay jeclaayeen kala danbaynta is qadarinta,in kayari qadariyo kan wayn,nin walba waxay ku qiimayn jireen garashadiisa iyo akhlaaqdiisa shaqsiga ah. waxay ahaayeen rag qableh oo sharafka ku dhinta nacana sharaf xumada. waxay ahaayeen kuwo isjecel oo ah walaalo dhab ah oo og cadawgooda sokeeye iyo shisheeyaba. kama sheekayn karo dhaqanka guunka ah ee ilama ismaaciil jabarti.

Hadaba puntland oo beeshani dagto waxaa ka dhisan maamul xididaystay oo hada maraya 17 sanadood maanshaa allaah baan leenahay.hadaba anigoo aan in kirayn karaamada puntland ayaan hadana leeyahay waxaa kamudan oo ka khatarsan raga aas aasay puntland raga hada dhisay JUBALAND,waayo waxaan qiimeeyay labada dagaan iyo colaadaha ku xeeran sidaa daraadeed JUBALAND waxay ahayd meel lagu hardamo oo dhibadan oo cid walbaa duulaan cad ku tahay khayraadka owgii. Marhaday sidaa tahay waxaa wax la soomarayba hada u kacay rag geesiyaal ah oo taariikhdu xusi doonto inbadan oo kasaaray JUBALAND dhibkii haystay gabi ahaanba.

Geesiyadaa ilma ismaaciil jabarti  waxay sameeyeen wixii lagu yaqiinay awoow yadood,waxay sameeyeen in ay mideeyaan,siyaasada,cududa iyo dhaqaalaha dadkooda marka uugu horaysa,waxay dhiseen dawlad ay kumidaysan yihiin garbaha ay is haystaan walaalo iyo ilmaadeer ay ku yihiin oo rasmi ah. way isu tanaasuleen,waxay kasaareen dadkooda fikirkii ragaadiyay ee baabi iyay dadkooda ee is kooxaysiga,jilib hoose ufakarka guracan ee lagu jabay iyo garasho xumida jubaland halkaa dhigtay sanooyinka. waxay dadkooda u horseedeen hogaan leh aragti qodo dheer iyo hormar lagu naaloodo,waxay shacabkooda tuseen,in hormar lagu gaari karo oo kaliya wada jirka iyo dawlad nimada tanoo waajibku ah muwaadinkasta oo u dhashay jubaland. waxay tuseen shacabkooda kalsooni buuxda,hada jubaland waxay leedahay ciidan lagu seexdo,waxay leedahay dekad,waxay leedahay caasimad,waxay leedahay,iskoolo iyo jaamacado waloow ay biloow yihiin wax waliba. waxay shacabka tuseen baaxada dhulka iyo khayraadka jubaland iyo in uu kabadan yahay dadka dagaanka iyo waliba soomaali oo dhan. waxay dadka tuseen in ay khasaare cad ahayd in dhulka khayraadkaa leh macno daro laysugu laayo oo halkii dadku noolaan lahaa lays gumaado oo lays dilo macno daro.

43a

Waxaa sharaftaa mudan hogaamiyayaasha jubaland u kacay oo isu tanaasulay oo leh aragtidaa fog taariikhdaana xusaysa inbadan.3 daan oday oo ah raga maanta kasaaray ceelkii ay jubaland ku dhacday,ee dhidibada u aasay waxaa quruxda badan ee inoo dhisan taalaan u dhisaynaa mana ilaawi doono haday noolyihiin iyo haday dhintaanba. waa libaaxyada daadihinaya JUBALAND. Ahmed madoobe. Gen.Fartaag iyo Gen.Darwiish.

Run ahaantii ragaan korkuxusan fikirkooda iyo maamulkoodu waa ka duwan yahay kan meelaha kale soomaaliya ka jira waayo waxaad arkaysaa in ay ka dhigeen jubaland meel umada soomaaliyeed ee dagaankaa ku nooli ay wada leeyihiin,maamulkana kuwada jiraan,wada dhisteen waxayna u gud been heer wadaniyadeed oo hada jubaland qabiil maha waa dagaan dadkuna waxa uu isugu hiilinayaa reer jubaland ahaan maha qabiilkeed tahay tan way ka gudbeen waana tan ay uugaga fiican yihiin cidwalba kagana horeeyaan ragbaana dhisay fikirkaan ah raga korku xusan. runtii ragani marka hore beeshooday heshiiis dhex dhigeen markii labaadna beelihii kale waana furaha guusha jubaland markaa waxaa haboon in soomaalidu ku dayato jubaland. maanta jubaland waa dawlad goboleed is aamin san isku duuban shacab iyo maamul oo aamin san in ay yihiin jubaland kana yihiin soomaali waxay ka gudbeen gabi ahaanba qabiil iyo dagaal.

Dhab ahaan Gen.Fartaag waa ogaa in uu yahay nin jecel jubaland kana fakara meel fog qabiil hoosaad iyo kanaa habeen ku xigana uusan ku mashquulin waa ogaa oo yahay nin jubalander wadani ah dadkiisana jecel, hasa yeeshee madaxwayne Ahmed madoobe waxaan ka qabay shaki yaroo ah xaga siyaasada amuu ku fashilmaa waayo waa ku ogaa geesinimo,deeqsinimo,karti iyo sharafba hada waxaa iga baxay shakigii yaraa oo ninku waaba ii dhuuntay oo waa siyaasi wayn iyo hogaamiye daacad ah oo masuul ah waanin isku wada dadka oo dhan,waana nin hogaamin kara qaranka soomaaliyeed oo dhan. dhanka kale Gen.Darwiish waa rug cadaa soo shaqeeyay,dawladii siyaad bare ahaa sargaal sare,dalka iyo dibadaba ku soo qaatay aqoon sare oo milatari maamul iyo maarayn iyo arimaha abnigaba,waa ruug cadaa aan arin ka hoos baxayn,waana nin jecel midnimada wada jirka iyo isu tanaasulka.waxaana ku wayn in la helo dawlad soomaaliyeed oo hanata guud ahaan soomaaliya si loo helo kala danbayntii iyo hanaankii dawladnimo ee kalumay soomaaliya 1990 kii. waxa uu jecel yahay jiritaanka jubaland difaaceeda cadawga gudaha iyo dibadaba iyo in nabad lagu noolaado deegaanada jubaland shacabku helo fursad uu ku shaqaysto,ganaacsado,wax kubartaan kuna hormaraan,waxaana fure u ah nabada Darwiish waa nin qaran.

Sadexdaa libaax ayaa gaadhka kahaya hogaaminaya jubaland ayagoo kaashana madaxda maamulkooda,ciidankooda,iyo shacabkooda oo kuligood halmeel kasoo wada jeeda.”wixii rag u koco rabina aqbo waa rumoobaan”hormarku wxuu ku jiraa is aamin,isku kalsooni,nabad,isku duubni,hormar la aantu waa is xasidid,is qabyaaladayn,quurid xumo,aragti gaabni, daacad daro,si xun wax u sheeg,is kooxaysi,isku dir,loomana baahna jubaland way ka gudubtay aragti gaaban iyo qabiil kaasoo la haray soomaaliya. waxaan ku soo gaabinayaa sidan, Ahmed iyo Genanaadaa jooga wabiga jiinkiisa habkay u taageen jubaland nin kii tabteed raboow arjiga keenso jiho cad ha ku joojiyeene.
WQ Yuusuf Cumar

Email:Mashruuc5@hotmail.com

Warbaahinta Puntlandes waxay ku shaqaysaa Xoriyadda Qoraalka iyo Ra’yiga iyadoo ay u furan tahay inuu Qof walba oo Afka Soomaaliga ku hadla uu ku cabiri karo Ra’yigiisa.

About The Author