Daawo Video: Gaalkacyo oo Laami Garoonka diyaarahada aada yeelatay iyagoo wali joogaan Kooxdii GAADAYARE ee dib u dhaca ku keenay

8 Agoosto 2015 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo  ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxay marakan nasiib u yeelatay inay hesho Waddo Laami ah oo dhererkeedu yahay ku dhawaad 3km taasoo isku xirta Abdulahi Yusuf Airport iyo magaalada.

Tani waa isbedelkii ugu waynaa ee ka dhaca magaalada tan iyo 1991dii halka ay Horumar aad u baaxad wayn gaareen magaalooyinka kale ee Puntland sida Bosaso, Garowe iyo Qardho.

136b

Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaaalkacyo oo Allah ku manaystay hanti ah dad fara badan, Dhaqaale iyo aqoon waxaa sabab u ah inuu ka haro Gobolada la mid ah waa Kooxda uu Hogaanka u hayo Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare, oo ku magacaaban  Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug laakiinse ah ninka ka taliya Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo. Gaadayare wuxuu xilka hayaa laga soo bilaabo desember 1999kii ilaa iminka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii madaxweynaha Gobolka Mudug isagoo aaminsan inuu yahay  GEED KA BAXAY Gobolka Mudug oo aysan jirin cid xilka ka qaadi karta.

Kooxda Gaadayare waxaa ninka labaad ka ah Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagaweyne oo ku magacaaban Mareeyaha Abdulahi Yusuf Airport isagoo haya xilkan laga soo bilaabo Maajo 1991dii ilaa iminka ayna la tahay inuu Gobolka Mudug ka yahay GEED KA BAXAY oo aysan jirin cid xilka ka qaadi karta.

Kooxdan oo ay rag kale ka tirsan yuhiin waxay ISBAARO u dhigteen wax wada qabsiga dadka walaalaha ah ee Gobolka wada dega iyo horumarka Gobolka iyagoo Cuna Canshuurta ummadda laga qaado kadibna u isticmaala qaarkeed LAALUUSH iyo inay isaga horkeenaan si ay kusii joogaan meesha

Daawo laami ay dadka Gaalyood la yaaban yihiin oo ay heshay magaaladu!!

Puntlandes.com

About The Author