MADAXWEYNE GAAS: Ma doonayno Ciidammo AMISOM ah ee waxaan doonaynaa Taageero Hub & Qalab

07 Ogoosto 2015 (Puntlandes) Madaxwweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa si cad u sheegay inaysan Puntland doonayn in la keeno Ciimadamo AMISOM laakiin ay doonayaan in laga Taageero Hub iyo Qalab Ciidan sida Baabuurta Ciidamadu isticmaalaan, Qalabka Isgaarsiinta Ciidamada …

Dawladda Puntland ayaa dagaal waxay kula jirtaa Kooxda Al-shabaab oo saldhigyo ku lahayd sannadihii ugu dambeeyay Buuraleyda Galgala.

“Ma doonayno Ciidamo ka socda AMISOM inay noo yimaadaan, waayo ciidanka Puntland waa kuwo Awooda inay la Dagaallamaan Al-shabaab,” ayuu yiri C/weli Gaas oo wareysi siinayay Reuters. “Balse, Waxaanu doonaynaa in nalaga Taageero; Qalabka Millateriga, isgaarsiinta, gaadiidka ciidanka, hubka iyo weliba rasaasta.”

Gaas ayaa intaas ku daray. “Saanaddda ciidan ee aan ka doonayno inay AMISOM nagu caawiyo waa mid aan xaq u leenahay inaan ka helno.” Isagoo is-weydiiyay. ”Waa Maxay sababta ay u caawinayaan ciidamada Muqdisho ku sugan, oo aysan u caawinayn kuwa Puntland jooga? Tani Waxay muujinaysaa Xaqdarrada ay ku dhaqmayso DFS.”

DFS oo ka jawaabaysay eedaynta madaxweyne GAAS ayaa Wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay inay DFS gudatay waajibaadkeeda marka laga hadlayo Puntland, halkan ka akhri.

Puntland ayaa waxay horay u diidday in Dhulkeeda la geeyo ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, si ay Al-shabaab ula dagaalamaan, iyadoo Puntland ay sheegtay inay Ciidamadeedu ku filan yihiin Difaaca laakiin ay u baahan tahay taageero Qalab iyo Hub.

Puntlandes.com

About The Author