Siciid Qaas Muwaadinka Dada Yar ee Puntland

Sida caalamaka iyo dalka soomaaliya laga wada ogyahayba waxaa ka hana qaaday dalka Finland ee qaarada yurub,jaaliyadii uugu horeeysay ee soomaaliyeed ee muujisay wax qabad dhab ah oo dal iyo dibadba ah.Tanaa waxaa nasiib u yeeshay inay noqdaan horseedkii qurba joogta soomaaliyeed Dalada midawga jaaliyadaha Puntland ee dalkan Finland ka dhisan. Sababaha uugu wayn ee arinta keenay ayaa ah aragti iyo hal abuurnimo hibo ilaahay u siiyay aqoon yahanada khubarada ah ee majaraha u haya Dalada midawga jaaliyadaha puntland. waxay ku guulaysteen in ay umada soomaaliyeed kala dagaalamaan wax yaabaha ragaadiyay dalka soomaaliya iyo qurba joogtaba oo ah musuqmaasuq,eex,qaraabo kiil iyo wax qabad la aan baahansan. waxay siiyeen jaaliyada fursad iyo mustaqbal muuqda oo ah in ay dadku noqdaan dad xor ah maskaxiyan kana xor ah waxyaabahaas korkuxusan. in ganacana lagu dhiso danaha iyo masaalixda puntland ganaca masaalixda uugu muhiimsan oo ah isu baadigoobka iyo wax u qabashada umada soomaaliyeed ee walaalaha ah. Hadaba waxaa dhawaan xafladii wayneed ee ka dhacday Finland ee lagu xusayay sanad guuradii 17aad dhalashadii puntland loogu dabaal dagahayay ka soo qayb galay muwaadin dhalinyaro ah oo laqaatay jaaliyada aragtidan hufan ee kor loogu qaadayo hormarka qurbajoogta puntland iyo maamul goboleedka puntland intaba.Daladu waxay u aragtay Mr Said Qaas in uu yahay nin aragti furan oo kamaran aragti gaabnida ragaadisay umada soomaaliyeed meelkastoo ay joogto,waxa uu la jaan qaaday lana dhacay fikirka dalada. Sidoo kale daladu waxay u aragtaa aqoon yahanka da’da yar ee muwaadinka puntland ahi in uu mustaqbal fiican iyo taageeraba kuleeyahay dalada,dalka gudihiisa,iyo guud ahaanba qurbajoogta puntland.Aragtitada dalada ayaa ah in lasoo dhaweeyo lana taageero cidkastoo wax ku soo kor dhinaysa hormarka puntland dal iyo dibadba.waxaana larabaa in lahelo dhalinyaro isku kalsoon oo jecel dalkooda iyo dadkoodaba sida Mr Said Qaas Daladu waxay u rajaynaysaa in uu utaagnaado halganka hormarka dadka iyo dalka ee uu aamin sanyahay,waxayna daladu lagarabtaagan tahay taageero maadama isku aragti laga duulayo hadafkuna yahay hormarka puntland.

 Soomaaliya waxay u ciil qabtaa in ay mar uun aragto wadani leh aragti hogaan iyo mideyn umadadeed oo dadka ka rari kara meel abaar ah una rari kara meel leh biyo iyo baad.Macnaha kasaari kara umada aragti gaabnida,isdhexyaaca,cadaalad darada,kala shakiga ,kala qobqobka,qaraabo kiilka,eexeysiga,dib usocodnimada,hormar diidnimada faqriga iyo walaalkii oo ah jahliga.
Isbarashdii Mr Said Qaas  iyo Daladu waxaa uu dhalay midnimo iyo walaalnimo iyo iskaashi qodo dheer.waxaan rabnaa qurba joogta caalamka ee puntland inay yeeshan hadaf cad taasoo tubteedii lahayo hada.
ugu danbayn waxaan u mahad celinaynaa walaalkeen mr Said Qaas waa nin aqoonleh,maskax furan leh,fikir fiicana ka haysta qaabka ay ku hormarayso puntland iyo wada jirkaba.waxaan leenahay guulayso.

 

 
 
 
 
 


Yasin Ali Gass 
Helsinki Finland 

About The Author