Dhaqaalihii Canshuur bixiyeyaasha Puntland oo galay campaign: ka 2016

Dhaqaalihii canshuur bixiyeyaasha Puntland oo si toos ah u galay campaign:ka 2016. Waxa mudooyinkan ka socdey Puntland olole kor loogu qaadayo dakhliga canshuurta. Ololehaas oo isugu jirey kordhin canshuurtii hore loo qaadi jirey iyo bilaabid mid aan hore u jirin, sida dhaqaajinta canshuuraha berriga.

Taas waxaa bar bar socdey bixin la,aanta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada. Akhristoow si aad xaqiiqda arrintaan u ogaato dhegeyso oo baar su,aalihii la weydiiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland xiritaankii Baarlamaanka kal fadhigii u danbeeyey. middaas oo ku saabsanadeyd balan qaadkii wasiirka cusub ee maaliyadda oo aan fulin. Balanqaadkaas oo ku saabsanaa in aan weli labixin mushaarka shaqaalaha nooc kasta oo ay ahaadaan.

Si aad weliba u sii xaqiiqsato jiritaanka caddayntaas, dib ugu noqo khudbaddii Cabdiweli Gaas ee cashadii Nairobi ee jaaliyadda Puntland, July 25, 2015 Taas oo uu ku sheegay in ciidanka aan Mushaarka la siin ay Yihiin CAAGLEYAAL (= waa erey laga soo kopy:gareeyey Siilanyo mar uu ka hadlayey, kala darajeynta ciidamada)  eraygaas oo sinaba ugu haboonayn halka uu Gaas u adeegsadey. Waa uun qiil u yeelid gudosho la,aan, waajibaad QARAN.

Haddaba markaad fiiriso cadaymahaas aan lagu been abuuranayn oo markhaatigeeda aad ka heshay Gaas iyo Siciid Xasan Shire. Waxaa is waydiisaa meesha ay ku baxdo lacagtaa 5 jibaarantey?

Taas oo xataa  laga qaadayo ardayda dugsiyada, ku hadalka taleefanada, mushaarka samofaleyaasha iyo lacagta tabarucaadda ah ee loogu talogalay danyarta.

Shalay iyo dorraad waxaa Shaashadaha iyo baraha bulshada laga daawanayey sida Cabdiweli Gaas uu u soo dhaweynayey nin aan wax xil ah u hayn Soomaliya iyo Puntland toona Hoos ka daawo sawiro. Ninkaas oo Madaxtooyada la dejiyey intuu Garoowe joogey, ninkaas oo ah Safiir hore Cali America. Shalay waxaa isagoo ciidankii madaxtooyada iyo baabuur loogasoo daray ay gelbinayaan ayuu wuxuu gaarey Boosaaso, taas oo Saraakiisha ciidamada ee kala duwan, Gudoomiyaha gobolka, duqa degmada iyo saraakiishii kale ee dawladdu ay uga hortageen meel 20KM u jirta Boosaaso. Si aad arrintaas u xaqiiqsato fiirso warkii xalay, August 9, 2015 ee TV SBC.

45e

Daawo soo dhawayntii Cali America oo aysan u kala harin Maamulka Gobolka Bari iyo kan magaalada Bosaso

Waxaa laga yaaba in la is weydiiyo, su,aasha ah maxaa ku jaban soo dhaweynta nin muwaadin ah?

Jawaabtu waa sidatan. Muwaadiniin Soomaaliyeed oo waliba xilal sare (= sarreya Safiir) kasoo qabtay dalka ayaa maalin walba taga dalka lamana  arkin cid dawladda ka tirsan oo maqaam heerkaas oo kale ah siinaysa?.

Tusaalihii ugu danbeeyey wuxuu ahaa Madaxweynihii Hore ee Puntland oo xataa bal in ay dawladdu (marka laga reebo wasiiro is xilqaamay i bulsho ka tirsan dawladda qaybaheed kala duwan oo si shakhsi ah u soo dhaweeyey)  soo dhaweyso daaye loo diidey in PTV laga baahiyo soo dhaweyntiisa.

Reer xamarku waxay ku maahmaahaan “Timir laf baa ku jirta”

45f

Haddaba maxaa sababay in la siiyo maqaamkaas ninkaan, iyadoo la adeegsanayo Canshuur ay ka baahan yihiin kuwii qaadayey (ciidankii aruurinayey)?.

Jawaabtu waa sidatan.

Waxaa ayaantaan si xawli ah u soo shaac baxayey damaca walaalan ee Cabdi weli Gaas ee ku salaysan rabitaankiisa jago ka qabashada Xamar.

45c

Rabitaankaas oo hadii caqli saliim ah lagu fiiriyo dhicisoobey intuusanba dhalan.

Waxaa la wada ogyahay in Dawladda Xamar oo ay weheliyaan beesha caalamka, Igad, Qaramadda midoobey, EU iyo AU ay wadaan qorshe ku saabsan doorashada 2016. Qorshahaas waxaa ka mid ah dhisidda Maamuladda Federaalka xubnaha ka ah, guddiyada doorashada, Xudduudaha iyo xeerarka doorashooyinka. Intaas oo Xukuumadda Gaas iyo Baarlamaanka Puntland si kala gooni ah (kala interest ah) u diideen.

45d

Waxaa taas daliil u ah in markuu diidey Gaas in uu yimaado baarlamaanka si uu u caddeeyo mawqifka xukuumaddiisa in Baarlamaanku iyagoo kaligood ah soo saareen go,aamo oo waliba u digey Gaas iyo xukuumadiisa in ay tilaabo ka qaadayaan ciddii jebisa go,aankas. Fiirso oo dhegeyso go,aanka si aad u ogaato xaqiiqda arrintaas.

Taas waxaa xigtey in Khamiistii la soo dhaafay August 6, 2015 uu  Cabdiweli Gaas ka soo saaray “Go,aan” shirkii golihiisa xukuumadda. Kaas oo ahaa in uu Issagu soo saarayo qorshaha doorashadda Soomaaliya ee 2016 (sidii uu yahay issagu = Cabdiweli Gaas qofka u xilsaaran doorashada 2016 ee Soomaaliya)  waxaa “go,aankas” ka muuqdey rabitaan shakhsi ee uu san ahayn mid ku salaysan waxa macquulka ah iyo xaqiiqda dhabta ah. Waxaa intaas dheer in ay Xukuumaddiisu noqotay  “laba daran mid dooro”  Ama meesha isaga tag ama u nacamlee siyaasadan waalan ee Gaas (one man show).

Waa tii uu khudbadiisii ku sheegay in uu waligii daba soconayo raadinta wax ka noqoshada Xamar (= raadinta Soomaali mid ah) oo haddii uu taas waayona uu kaligii noqonayo Soomaaliya. Waxaa laga yaabaa in ay dad badan ku doodaan in uusan sidaa u oran, laakiin si kastoo loo fasiro micnuhu si kale  oo noqonayo maleh, marka la eego caddaymahaan.

Ummadda reer Puntland waxay samaysatay Dastuur lagu dhaqmayo oo ay tahay in uu qof walbaahi u hoggaansamo. Waxaa taas caddaynaya isla dastuurka oo udhigan sidatan.

 Qodobka 2aad

 SARRAYNTA SHARCIGA

  1.  Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.
  2. Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga

  Mar hadday sidaas tahay wuxuu qorayaa dastuurka puntland sidatan.

4-Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:

b) Soomaalida ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga.

t) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.

 Sow fasiraadda kore sax ma aha?  Hadduu ka hor yimid Dastuurka, ka hor yimid soojeedintii Gudoomiyahay Baarlamaanka oo isticmaalay erayga “Anigu ( aragti qof ahaaneed) waxaan ku talin lahaa”. Halka uu Gaas afduubay Shacabka, iyo Baarlamaanka iyo xukuumaddisa oo isticmaalay erayga “Puntland waxay raadinaysaa”)  soomaali mid Ah ( = Aniga Rabitaankayga shakhsigaa, baa ka weyn sharci, dhul iyo dadka Puntland)

Marka loo soo noqdo nuxurka qormada, waxaa bilawday campaign ku saabsan waali iyo wax aan suurtogal ahayn. Waxaynuna u jeednaa “Buurta cirifkeeda Kore” calashaan kharashka ku baxaya Saaxiibada Gaas ee Xamar in ay wax ka noqdaan raba. Su,aashu waxaa weeye imissa ayay dadka reer Puntland u dul qaadanayaan in lacagtii iyaga laga qaadayey oo ay waliba ka gaajaysan yihiin shacabkii bixinayey, ciidankii amniga ilaalinayey, shaqaalihii caafimaadka, waxbarashada oo Dhan. Iyo waliba kuwii gurayey canshuurtaas lagu bixiyo meel aan minaasib ahayn iyo daño shakhsiyadeed? Marka Issagii (Gaas) uu musuqmaasuqay lacagtii umadda,  malaga dhagaysan waxaan la dirirayaa Musuqmaasuq?

Xil dhibaanaduse ma waxay uga aamusanyihiin in ay iyagu gadan yihiin (= musuqmaasuq)  illeen horaa looyiri “af wax cunay xishoo” ?

Puntland illaahoow ka badbaadi balaayeda, AAMIIN, AAMIIN.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

 

 

About The Author