Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Caafimaadka Puntland oo gaaray magalada Baargaal

10 Agoosto 2015 (Puntlandes) Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Puntland Dr.Cabdirisaaq Cuuke ayaa gaaray magalada Baargaal oo ka tirsan Gobalka Gardufuu.

45h

Socdaalkooda Wafdiga Wasiirka ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandes ogaatay wuxuu ku saabsan yahay sidii Barnaamijyo Caafimaad looga hirgalin lahaa Gobalka Gardufuu iyo Bari.

 Iyagoo ku dhawaaqi doona berito in ka badan 74-xarumo oo Caafimaad laga hirgalinayo deegaano ka tisan Gobalada Beri iyo Gardufuu, iyagoo ay ka howl gali doonaan shaqaale Caafimaad oo ka badan 300 oo qof.

Shan Isbitaal ayaa ka mida Xarumahaasi Caafimaad iyagoo dabooli doona baahidii ay dadka Degaanku u qabeen.

Dhaqaalaha ku baxaya xarumahaan Caafimaad oo u badan MCH iyo baro Caafimaad waxaa ku deeqay dalalka dhaqaalaha bixiya, iyadoona loosoo marsiiyay dowladda Hay;adda Bad baadada carruurta.

About The Author