Sawiro: Madaxweyne Gaas oo gaaray Xarfo oo ka kala tirsan Gobalka Mudug kuna soo hakaday Burtinle

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-8-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Burtinle Iyo Xarfo oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug ee Puntland.

Wefdiga Madaxweynaha oo ka kooban Wasiiro iyo saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa ugu horeyn waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxaana soo dhaweyntooda si hambsami leh uga qeyb-qaatay Maamulka Degmada , Waxgarad, Cuqaal, Haween, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan.

 46a

Soo dhaweyn kadib ayaa madaxweynaha loo gudbiyey hoyga uu Degmada Burtinle ka daganyahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo uu halkaas ku soo salaamay , islaanka ayaana si balaaran madaxweynaha hoygiisa ugu soo dhaweeyey.

Intaas kadib ayaa Madaxweyne Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo u soo socdaaleen Degmada Xarfo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maamulka Degmada, Waxgarad, Cuqaal, Isimo, Haween , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha.

Socod dheer ayaa madaxweynuhu waxaa uu kumaray laamiga weyn ee Degmada Xarfo , halkaas oo ay ku sugnaayeen Dadweyne aad u badnaa oo si hambsame leh ugu diyaarsanaa in Madaxweynahooda ay ku soo dhaweeyen Degmada .

Madaxweyne Gaas oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii ka soo qeyb-qaatay soo dhaweyntiisa ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, isagoona ku amaanay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Sawiro

 

 

IMG_5533 IMG_5608 IMG_5709 IMG_5727 IMG_5732 IMG_5745 IMG_5754 IMG_5776 IMG_5778 IMG_5782 IMG_5784 IMG_5785 IMG_5793 IMG_5801 IMG_5805 IMG_5809 IMG_5811 IMG_5816 IMG_5821 IMG_5833 IMG_5839 IMG_5841 IMG_5851 IMG_5872 IMG_5875 IMG_5882 IMG_5885 IMG_5886 IMG_5897 IMG_5899 IMG_5902 IMG_5904 IMG_5910 IMG_5915 IMG_5916 IMG_5929 IMG_5937 IMG_5957 IMG_5992 IMG_6002 IMG_6005 IMG_6010 IMG_6017 IMG_6074 IMG_6093 IMG_6119 IMG_6121 IMG_6123 IMG_6140 IMG_6142 IMG_6145 IMG_6148 IMG_6152 IMG_6155 IMG_6162 IMG_6196 IMG_6216 IMG_6250 IMG_6257 IMG_6261 IMG_6295 IMG_6319 IMG_6327 IMG_6330 IMG_6331 IMG_6332 IMG_6333 IMG_6334 IMG_6335 IMG_6338 IMG_6341 IMG_6344 IMG_6350 IMG_6355 IMG_6359 IMG_6361 IMG_6365 IMG_6373 IMG_6381 IMG_6384 IMG_6390

About The Author