GAAS oo Mudug u magacaabay guddiyo uu ku sheegay ianay wax ka qaban doonaan baahiyaha Gobolka Mudug ka jira!!

13 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed cali GAAS oo maalintii shalay soo gaaray xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa maanta magacaabay Guddiyo uu ku sheegay inay wax ka qaban doonaan Baahiya ka jira Gobolka Mudug.

1680

Ku : Dhammaan haya’daha Dowladda Puntland ee Gobolka Mudug

Og:     dhammaan Qaybaha  kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug

Ujeeddo: Magacaabis Guddiyo.

Waxaa dhammaan haya’daha dowladda ee Gobolka Mudug lagu wargelinyaa in la magacaabay guddiyo farsamo iyo hawl fulin oo ka kooban saddexda gole ee dowlada,kana shaqeyn doona sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha aasaasigaa ee Gobolka Mudug .

Guddiga amniga

  1.     Cabdiweli Xirsi Cabdulle        wasiirka Ganacsiga  guddoomiye
    2.      C/laahi Jaamac  Cali              wasiiru dowlaha Caafimaadka
    3.      Cali  Yusuf Jaamac                wasiiru dowlaha arrimaha gudaha
    4.      Xil. Axmed Jaamac Cabdille
    5.      Xil. Cabdulqaadir Xuseen Nuur
    6.       Xil .Cabdulaahi
    7.       Axmed  muuse Nuuryare  K/s Gudoomiyaha Gobolka Mudug

Guddiga  horumarinta iyo qaabeynta Magaalada

  1.     Cabdirashiid Maxamed Xirsi    wasiirka HGG   guddoomiye
    2.      C/raxmaan Jaamac kulimiye    wasiiru dowlaha kalluumaysiga
    3.      Xil. C/xakiin Macalin Daahir
    4.      Xil. Maxamed Cabdi Warsame
    5.       C/raxmaan Maxamuud Xaaji     Agaasimaha Guud ee PMPF
    6.       C/casiis     Jaamac Nugaal ,     Duqa Magaalada Gaalkacyo

Guddiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada

  1.     Cali C/laahi Warsame                wasiirka  deegaanka  guddoomiye
    2.      Bashiir C/raxmaan Gurxan        wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada.
    3.       C/qani Geele Maxamed              wasiiru dowlaha Duulista hawada iyo Garoomada
    4.      Xil. C/risaaq Yasiin Cabdulle
    5.      Xil .C/qaadir Faarax Bootaan
    6.      Xil. Nuuradiin C/rashiid  Cali

Sidaas daraadeed waxaa laydin farayaa in aad guddiyadaas u fududeysaan hawlaha loo xilsaaray.

 

About The Author