Daawo Video dhamaystiran: Xassan Sheekh oo ka hadlay Mooshinka ka dhan ah, diidayna in Su’aalo laga waydiiyo

13 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ayaa ka hadlay Mooshinka ay ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka dawlada Xamar, isagoo isdifaac maahee aan wax kale keenin.

48a

 

Xassan Sheekh ayaa sheegay in waqtigan aysan ku haboonayn in la keeno Mooshin lagu wiiqayo dawladda Soomaaliya waa ida uu hadalka u dhigaye. Xassan Sheekh ayaa ku eedeeyey Xildhibaanada Mooshinka wada inay yihiin shakhsiyaad gaar ah oo caana ka ah Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay dano gaar ah leeyihiin Mooshinka isaga ka dhanka ah.

Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya ay Xildhibaanada ka qabteen Mooshinka ka dhan Madaxweyne Xassan Sheekh. Madaxweynaha ayaa Saxaafadda u diiday inay su’aalo waydiiyaan sida qaybta ugu dambeeya ee codka aad ku maqli doontaan.

Madaxweyne Xassan Sheekh horay waxa uu ka dambeeyey labo Mooshin oo lagu riday Xukuumadihii Cabdiweli Sheekh iyo Saacid.

Daawo Shirkii Jaraa’id ee Xasan Sheekh

Puntlandes.com

 

About The Author