Daawo Video: Shacabka Gaalkacyood oo GAAS Runta u sheegay (Dhulka maqan, Kala daadinta Ciidanka…)

14 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS oo booqasho ku joogay Gobolka Mudug gaar ahaan Xaruntiisa Gaalkacyo ayaa maanta waxa uu la shiray uuna ogolaaday in su’aalo ay waydiiyaan Shacabka reer Gaalkacyood. Shacabka Gobolka Mudug Runta kama gabadaan waxayna runta u sheegeen GAAS oo aan la aqoon meel uu ku wado Puntland isagoo iska daba socda Kooxda Xamar ka talisa dayacayna danihii Puntland.

50a

Shacabka reer Gaalkacyood ayaa runta u sheegay GAAs iyagoo aad u dhaliilay Hogaankiisa, nin ka mida odoyaasha ayaa wuxuu madaxweynaha u sheegay sida uu ugu fashilmay Balanqaadyadii uu Shacabka reer Puntland u sameeyey markuu ololaha Doorasha Puntland ku jiray:

Wuxuuna yiri ”Balanqaadkaagii waxaa ka mid ahaa in Gobolada Puntland ka maqan aan Faataxo lagu qabsan hadana madaxweymnuhu wuxuu madaxa sii gelinayaa 2 sano, wax hadal ay leedahayna lagama maqal”

Ninkaas ayaa wuxuu kaloo ka hadlay sida ay u kala daateen Ciidankii Xooganaa ee Puntland intii uu GAAS xilka hayey wuxuuna yiri ”mudane madaxweyne waxaan na soo gaara intii hada aad xukunka haysay Ciidamada Puntland inay xoogaa dabac ah galeen Khaasatan kuwa difaaca, waxaan shakigaa nasii geliyey MARKII LA SHEEGTAY Buurtinle”

Waxaa ninkaani soo qaatay Dhibaatooyinka ka jira marka Askari Puntland oo hawl gudanaya uu wax ka dilo kuwii Fidnada waday Magna loo qabsado dadkii uu ka dhashay dawladana aysanba soo faragelin.

Nin kale oo waxgaradkii halkaas ka hadlay ka mid ahaa ayaa yiri ”madaxweyne Gaasoow Wadooyin inaad noo dhisto kaagama baahnin, inaad Nal noo keento kaagama baahnin, waxaanu kaaga baahanahay inaad dadkeena noo midaysid oo Canshuur nalaka qaado oo iyada wax naloogu qabto ciddii wax noo qaban lahaydna aad noo keentid”

Gabar halkaas ka hadashay ayaa iyadu sheegtay inay reer Mudug cadaalad uga baahan yihiin GAAS.

Nin kale oo  ka mid ahaa waxgaradkii halkaas ka hadlay ayaa waydiiyey GAAS inay dawladiisu leedahay Guddi wax baara oo Shacabka reer Puntland usoo bandhiga cida dilaysa oo kusoo duushay?

Daawo jawaabtii uu GAAS siiyey Shacabka Gaalkayood, maxaa kale aan ka ahayn Garoonka Bosaso iyo kan garowe….

Daawo su’aalaha kulul ee GAAS la waydiiyey

Puntlandes.com

About The Author