GAAS oo ogolaaday & Barlamanka Puntland oo diidey in AMSOM la keeno Degaanakooda

17 August 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa dhowaan aqabaley in hay’adaha Qaramada Midoobay ee degan Caasimada Puntland iyo magaalooyinka waawayn ee Puntland ay keensadaan Puntland ciidamada ka socda AMISOM si ay u ilaaliyaan.

1680

Shacabka reer Puntland, Baarlamaanka, madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo inta badan Golaha Wasiirada GAAS ayaa waxay kasoo hor jeesteen in Ciidamadaas la keeno Puntland, halka uu madaxweyne GAAS kaligiis ka aqbalay madaxweynaha Dawladda Xamar iyo Ergayga gaarka ah ee UN ka Amb Kay.

51c

Isku day ay doonayeen xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland iyo madaxweyne kuxigeenka Puntland inay ka dhaadhiciyaan Gaas inuu ka noqdo go’aankaas inta uusan u Safrin magaalada Gaalkacyo ayaa fashilmay kadib markuu ka diiday GAAS, wuxuuna sheegey in hay’adaha Qaramada midoobey ee dagan magaalooyinka waaweyn ee Puntland uu u ogolaadey iney keensadaan ciidamo ka socda AMSIOM xarumahooda.

Maanta ayaa waxaa ka fariistay Gudiga joogtada ah ee Golaha wakiilada Puntland iyagoo soo saaray go’aan ay ku diideen in ciidamo ka socda AMSIOM la keeno Puntland.

51e

Ciidamada AMISOM wax aan dhibaato iyo dhaqan xumo ahayn ma wadaan macquulna maaha in Puntland la keeno. Shacabka reer Puntland ayaa aad uga soo horjeeda in Dhulkooda la geeyo Ciidamadaas.

Qarax ayaa lagula beegsadey magaalada Garowe shaqaalaha hay’ada UNICEF waxaa kale oo iyana lagu diley magaalada Gaalkacyo sadex kamid ah Shaqaalaha hay’ada UNODC iyadoo aysan Xukuumada GAAS usoo bandhigin Shacabka reer Puntland iyo Beesha caalamkaba cidii ka dambaysay weeraradaas.

Tan iyo intii uu xilka madaxtinimada Puntland uu la wareegay madaxweyne GAAS waxaa soo food saaray shaqaalaha Hay’adaha UN ka cabsi baaxad wayn.

51d

Su’aal ka dhex guuxaysa Shacabka  reer Puntland ayaa ah GAAS ma kaligiis ayaa Puntland ah? Sidee ayuu kaligiis ku qaadan karaa go’aankaas ay dadkoo dhami kasoo horjeedaan?

Waaba loo jeeda meesha uu GAAS ku wado Puntland e maxaa la gudboon Xildhibaanada Puntland? ma inay MASIIRKA dalkooda daawadayaam ka noqdaan? Mise waxay gudan WAAJIBAADKOODA oo GAAS ayey ka hor dhaqaajin Shacabka reer Puntland??

Puntlandes.com

About The Author