WAR DEG DEG AH: Kooxda gaadayare oo shirqool culus u dhigtay madaxweyne Gaas

Waxa asbuucii la soo dhaafay soo gaaray magaalada gaalkacyo madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiwali Ali gaas. safarka madaxweynaha ayaa qaatay wakhti dheer oo ay shacabka degmada Gaalkacyo iyo guud ahaanba gobbolka Mudug si weyn usugayeen, kadib imaanshihii madaxweynaha waxay shacabku si weyn isha ugu hayeen sida madaxweynuhu wax uga qaban doono baahiyaha tirrada badan ee ka jira degmada iyo gobalka.

Baahiyaha ka jira gobalka ee sida deg dega ah wax ka qabashada ugu baahan waxaa kamid ah Amni darada ba’an ee Gobalka ka jirta, musuqmaasuqa hareeyay xafiisyada maamulka oo ay safka hore uga jiraan ayraboorka, xafiiska maaliyada ee gobalka mudug, bangiga iyo Dawlada hoose ee degmada Gaalkacyo, hoos udhaca dhanka caafimaadka kadib markii haayadii Msf holland ee isbitaalka weyn ee degmada Gaalkacyo gacanta ku haysay ay gabi ahaanba joojisay adeegii ay dadweynaha u haysay, ku tagrifalka awooda iyo gudasho la’aanta xilka Dawladeed iyo waxyeeladii ay katageen roobabkii mahiigaanka ahaa ee degmada gaalkacyo ka da’ay oo burburiyay suuqyo iyo waliba baro ganacsi kaas oo ay dawlada hoose ee degmada gaalkacyo ku fashilantay wax kaqabadkiisa.

Kooxda Gaadayare ee afduubka ku haysata magaalada Gaalkacyo iyo Gobalka mudugba guud ahaan ayaa usababtay ama baday magaalada dhamaan dhibaatooyinka haysta. shacabka ayaa filayay in uu madaxweynuhu  kahor dhaqaajiyo kooxdan dib uridka u keentay si ay horumar ugaaran.

gaadayare iyo dhagaweyne-1998 ilaa 2015

kooxda gaadayare oo siweyn xilliyadii danbe uga baqayay kacdoonka isbadal doonka ku salaysan ee shacabka gegmada gaalkacyo iyo kan gobalka mudug ayaa shiqool culus u dhigay madaxweyne gaas kaas oo ah in ayadoo loo marayo shakhsiyaad aad ugu dhaw madaxweynaha laga gado qorshe ah in magaalada guryo badan oo kuyaal ladusho xeroyinka dawladana la gado ayagoo kawata qorshe ah in madaxweynha iyo dadka dagan xerooyinka dawlada iyo kuwo guryahooda laduminayo ay isku dhacaan kadibna gobolku qalalaase galo si ay awooda usii haystaan. madaxweyne gaas ayaa durbadiiba shirqoolkan cagaha lagalay wuxuuna hada abaabul xoogan ugu jiraa fulinta qorshihii kooxda. Oday Nuur oo kamid ah dadka deegaanka yaa puntlandes.com sidaan usheegay ” Adeer anaga horumarka yaga shakhsiyaad baa hortagan horaana madaxdii hore ee puntlandna ugu fashilmeen wax ka qabashadooda maantana waakaas madaxweyne gaas ka baqay oo ku dhici la’a marka haduu wax kaqaban waayo anaga waa iskugu kaaya mid go’aan ayaana meel noo yaal hadaan nahay shacabka gobalka mudug”.

isku soo wadaduubo la’arki doone halka ay wax ku danbeeyaan bal aynu aragno gaas iyo gaadayre kan gobalka mudug madaxweyne u ah.

About The Author