Xog-Sawiro: Maxaad kala socotaa xaqiiqda warkii ahaa inuu GAAS Gaalkacyo ku dhex lugeeyey?

18 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweyne GAAS iyo Taagerayaashiisa ayaa soo bandhigay sawiro iyo Qoraalo ay ku muujinayaan in madaxweyne GAAS uu magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug si nabad ah ugu dhex lugeeyey mudo ka badan 2 saac.

Waxayna intaas ku sii dareen inuu ka Dukaamaystay magaalada uuna madaxweynuhu kula Shaaheeyey Shacabka magaalada Goobaha Shaaha lagu cabo!! CAJIIB

Maxaa ka run ah inuu GAAS Gaalkacyo ku dhex lugeeyey Shalay?

Warbaahinta Puntlandes ayaa baaritaan ay samaysay ku ogaatay inay u ahayd reer Gaalkacyood maalin aad u madaw ayna lasoo daristay Xoriyad la’aan ay meesha ka baxday inay si xor ah ku dhaqdhaqaaqaan ayna Guryahooda ku joogaan iyadoo Xukuumada uu madaxda ka yahay GAAS ay u adeegsatay iidhehdii ama Xayeysiintii GAAS loo samaynayey Ciidamo aad u fara badan oo ay ku baxday lacag aad u fara badan.

Waxaa dheer Qarashka ku baxay Ciimada loo adeegsaday Xayeysiinta GAAS inay Shacabka reer Gaalkacyood ku waayeen Xoriyadii ay wax kusooo saaranayeen iyadoo loo ogolaaday in la furo oo kaliya goobo cayiman oo loogu tala galay inuu GAAS booqdo.

GAAS oo ku caan baxay Koobigaraynta ayaa waxa uu kasoo koobigareeyeen, iidhehdaan xayeysiiska ah, Madaxweynihiisii DFKG Sheekh Shariif oo markuu GAAS RW u ahaa oo uu ka dhamaanayey waqtigu intuu Ciidamo aad u fara badan Xamar ku saaro Shacabkana u diido maalinkaas inay si xor ah u ganacsadaan ama u dhadhaqaaqaan oran jiray Xamar waa nabad oo waa taas!!

Shalay shacabka reer Gaalkacyood qaarbaa guryahoodii laga saaray si uu GAAS halkaas u maro taasoo Xadgudub ku ah Shacabka reer Gaalkacyood ee awalba u dulqaadanayey maamul la’aan iyo BOOB la boobayey canshuurtooda.

Warbaahinta Puntlandes ayaa idiin soo gudbimnaysa sawiro cadaynaya Shacab guryahoodii laga qixiyey oo dusha Guryahaas ay Askarta GAAS saaran yihiin ee hoo ka daawada.

53a
Askarta GAAS oo Shacabkii Gaalkacyo Guryahoodii ka qixiyey si uu GAAS isugu Xayeysiiyo

Warbaahinta Puntlandes ayaa akhristayaasheeda usoo wada qoraal ka hadlaya Hoyga uu GAAS ka degern yahay Gaalkacyo cida leh iyo dhibaatada loo gaystay dadka deriska la ahaa Gurigaas.

53b

53c

53e
Puntlandes.com

About The Author