Go´aanka uu Cabdiweli Gaas kaligiis ku gaaray in la keeno Amisom Puntland

Waxaa shalay soo shaacbaxday oo xaqiiq noqotay ogolaansho uu Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u ogolaaday in Puntland la keeno AMISOM.

Waxaa warbaahintu ogaatay in uu ka diidey Madaxweyne ku xigeenka, golaha xukuumadda iyo baarlamaanka in uu ka laabto “Go`aankaas”. Taasi waxay dad badan oo reer puntland ah ku noqotay fajac iyo amakaag in uu Cabdiweil Gaas kaligii ku dhiirado qaadasho go`aan ay kasoo horjeedaan bulshada Puntland iyo golayaasha dawladuba.

Anigu arrintaas lama yaabin sababahaan awgood.

Waxaa la yiri ninbaa wuxuu saaxiibkiis u sheegay arrin uu u arkayey in ay cajiib iyo wax lala yaabo tahay. Saaxiibku arrinta lama yaabine wuxuu ugu jawaabey si sahlan oo uusan isagu ka fekerin in ay suurto gal tahay. Ninku wuxuu saaxiibkii ku yiri, saaxiib waxaa la ii sheegay in Shaydaan uu hooyadiis dhulka ku jiidey, markaasuu inta saxiibkii qoslay yiri “Allaylehe Habar Shaydaan waa tahay wax la jiido, Shaydaana wuu yahay mid hooyadii jiidee saaxiib wax kale ma ii sheegin”

Waxaan uga danleeyahay, bal iswaydiiya goorta uu Gaas la talo ahaa dadka iyo dawladda Puntland iyo goorta ay golayaasha dawladdu ka dalbi jireen in uu la tashado. Isna waa yahay mid wuxuu rabo waa go`aan dawladeed yiraahda iyana waligood ma oran ninyahow hanna masabidan.

Marka la fiiriyo qaar ka mid ah Go`aamadii ka soo bixi jirey golaha xukuumadda oo  aysan waxba ka fulin ama aysan macquulkaba ahayn in ay fulaan, sida  “go´aankii  hub ka dhigista” (fiiri war saxaafadeedkii xukuumadda ee nambarkiisu ahaa XF/0028/2014 oo soobaxay 18, september 2014), “go´aankii  bedelaada iyo mamnuucidda  isteerinka baabuurta” ( fiiri war saxaafadeedkii, XF/0022/2014 oo soobaxay 07, August 2014), “go´aamadii is burinayey ee diidmada Xukuumadda Xamar” oo marna Raacnay la, lahaa marna diidney. Marka la eego go`aankii mamnuucidda Bacaha ee 03, April 2014.

Marka la eego, ka dhago adaygii soo jeedinadii Baarlamaanka, iyo u yeeridoodii madaxweynaha, marka la fiiriyo wixii uu ku tilmaamay la xisaabtanka Xukuumadda ee TV:yada sida tooska ah looga daawanayey isagoo si bahdil ah u imtaxamaya golihiisii xukuumadda ee markii danbe wax qabad la,aan lagu eedeeyey oo keentay isku shaandhaynta.  Danbigiisii baa iyaga lagu eedeeyey, waana u qalmeen in saas la yeelo ileen “Yes man” bay u noqdeen wax kasta oo uu soojeediyo oo intooda badani aysan macquulka ahayn.

Marka la eego khudbadiisii u denbeysey ee habeenkii 01 August 2015 ee uu sida tooska ah uga horyimid dastuurka Puntland, isagoo waliba fikirkii gudoomiyaha baarlamaanka ku tilmaamay in ay sidaas oo kale qabaan “CADOWGA UMMADDA SOOMAALIYEED!!”. Fiirso si aad u xaqiiqsato arrinkaas.

Marka intaas oo dhan la eego Cabdiweli Gaas waa ka suurtowdaa in uu AMISOM Puntland ugu yeero illeen waligiis ma uusan arag wax ka hor yimaadee. Xukuumadiisa iyo Golaha Baarlamaankuna  waxay ugu caqli celin la`yihiin oo u oran la yihiin waxaasi macquul ma aha, waxaa weeye iyaga oo ka baqaya in shaqada laga eryo.

Hadaad qabtid sababtu in aysan sidaas ahayn. Is weydii, waxa keenay in dad boqol kor u dhaafaya ay isugu raacaan go`aamada aan macquulka ahayn socodsiintoodu iyo waliba ku fekeridoodu?

Ogowna warbaahinta Puntlandes mar kasta oo la gaaro “go`aan” aan macquul ahayn in ay ka hadli jirtey. Waxaa meesha ka muuqda nin hoggaaminta u qaatay anaa iriye “ yas man”  indinku dhahaya iyo rag kuraas xagsanaya oo indhaha iyo dhegaha ka daboolanaya wax kasta oo khaldan. Waxaana hadda caddaan noqotay in go`aamada Puntland ay noqdeen wax lagu qoslo marna laga argagoxo sida kan hadda uu AMISOM u ogolaaday in ay yimaadaan Puntland oo kale.

Bal aan eegno meesha ay arrini ku danbayso in sheeko ay noqoto “yes man iyo guulwadoow — Aabihii garashada gayigayagoow, sowdigaa tubtaa barwaaqo noo horseedayee, u sacab tumaay, bash bash bash  ”

Xisaabna ku darsada Maanta waxaan ka daawaday PLTV Kormeer uu madaxweyne Gaas ku tagay Isbitaalka wayn ee Gaalkacyo, waxaana aad ula yaabay markii la saaray Barnaamijkaas heestii Siyaad Barre ee ahayd “NOLOOW MADAALOOW .. NOOLOW MADAALOOW”

Iyo in la yiraahdo adeer waxaagu ka dareey bay naqotaye na dhig meeshaa.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author