Daawo Video-Sawiro: Ganacsade Gaalkacyo oo barakicin ku tilmaamay Amarkii GAAS ee ahaa in Guryaha & Xeryaha dawlada la baneeyo

19 Agoosto 2015 (Puntlandes) Qaar ka mida Ganasade magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ka hadleen Aamrkii dawlada GAAS kasoo baxay ee ahaa in mudo sadax cisho ah looga guuro Guryaha iyo Xerooyinka ay dawladii hore ee Soomaaliya lahayn.

Ganacsatadan ayaa ku tilmaamay arrinkan midaan laga fiirsan aysana macquul ahayn in la fuliyo iminka, waxayna ku sababeeyeen:

  • Guryo iyo dhul aad balaaran oo dawladu doonayso inay shacabka isticmaala ka saarto.
  • Iyadoo dhulka qaarkiis la geliyey hadti fara badan sida goobo ganacsi, Iskuulo iyo goobo shacabka loogu adeego sida Laanqayrta Cas
  • Iyadoo aysan dawlada GAAS awoodin inay wada isticmaasho Guryahan iyo Dhulkan.
  • Iyadoo aysan u diyaarin dadka degen meel kale oo loogu bedalo
  • Iyadoo uu jiro shaki ku saabsan Arrinkan

Waliba waxay ahayd in Iskuulka Yamayska iyo Hay’ada Laanqayrta Cas Qorshe gooni ah ay dawladau u dajiso, maadaama isla Bulshada loogu adeego ayna yihiin Goobo Muhiim ah.

Hoos ka daawo Guyo badan oo ay dawlada GAAS saartay isku tilaab GUDUUDAN si loo jabiyo neri

54f 54e 54d

Maaha in la diido ama laga murmo in laga baxo Guryo iyo Xerooyin ay dawladu leedahay waana wax ummadda ka dhaxeeya oo aysan ahayn in ruux kaliyihi si shaqsi ah uga faa’aadaysto laakiin marka hore waa inay jirtaa KALSOONI MAAMUL iyo in maamulku uu hadba meeshuu u baahdo ka saaraa ruuxa ama Kooxda degen, laakiin maaha dhul aan la awoodin ama dan kale laga leeyahay in shacab aan waxba diidanayn si qasab ah looga saaro.

Dad badan oo reer Mudug ah oo lasoo xiriiray Warbaahinta Puntlandes ayaa aaminsan in Arrintani ay tahay marin habaabin la doonayo in lagu sameeyo Shacabka  Gobolka oo ka sugayey GAAS inuu ”ISBEDEL” ku sameeyo maamulka Gobolka iyo kan Magaalada Gaalkacyo.

Daawo Qaar ka mida Ganacsatada iyo Shacabka Gaalkacyo oo arrintan ka hadlaya

Puntlandes.com

About The Author